THL oo ku talajirta ku talinta isticmaalka weji-shareerka ama maaskarada

Helsinki 2.8.2020- Maamulaha qaybta ammaanka caafimaadka ee Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga Finland Mika Salminen oo la hadlayay Yle ayaa sheegay in THL ay ku talajirto soojeedinta iyo ku talinta in maaskarada wejiga la isticmaalo marka la joogo goobaha iyo gaadiidka dadweynaha.

Salminen ayaa dhanka kale sheegay in billowga todobaadka soo socda ay billaabayaan wadaxaajoodyada arrintan ku saabsan.

Inkastoo aan weli si dhammaystiran loo hubin, haddana waxaa muuqata in khubaro badan oo caafimaad ay qabaan in isticmaalka weji-shareerku uu gacan ka geysto kahortagga faafidda fayruska Korona.

Inkastoo xaaladda Korona ee Finland aanay hadda ahayn mid daran ayaa waxaa haddana la raadinayo habab cusub oo haddii uu markale Korona dillaaco lagu xakamayn karo faafitaankiisa.

Waxaa kale oo uu Salminen sheegayaa in hadda la joogo wakhtigi laga fekeri lahaa in Garoonka diyaaradaha Helsinki- Vantaa laga dhiso rug caafimaad. Salminen ayaa qaba in rugta caafimaadka Garoonku ay si degdeg ah u baari lahayd dadka waxaana halkaas, waa garoonkee laga heli lahaa dad yaqaan cudurada kulaalayaasha.

Xigasho: Yle

Xuquuqda sawirka: Yle