Finland waxaa laga helay maanta 249 qof oo cusub oo qaba feyruska korona iyo 5 xaaladood oo dhimasho hor leh ah

Finland waxaa laga helay maanta 249 qof oo cusub oo qaba feyruska korona iyo 5 xaaladood oo dhimasho hor leh ah

Khamiis 31.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 249 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 36 107 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 49 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 131 qof, Gobolka Varsinais-Suomioo 45 qof ah iyo Gobolka Pohjois-Pohjanmaa oo 28 qof ah.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 82 qof, Vantaa: 24 qof, Turku: 19 qof, Espoo: 17 qof, Salo: 7 qof, Uusikaupunki: 5 qof, Raiso: 5 qof, Jyväskylä: 5 qof, Kotka: 4 qof, Järvenpää:  qof, Tornio: 3qof, Kuopio: 3 qof, Ikaalinen: 2 qof, Kaarina: 2 qof, Lahti: 2 qof, Varkaus: 2 qof, Tampere: 2 qof, Lappeenranta: 2 qof, Joensuu: 2 qof, Hämeenlinna: 2 qof, Kempele: 2 qof, Kouvola: 2 qof, Kerava: 2 qof, Savonlinna: 2 qof, Parainen:2 qof, Loimaa: 2 qof. Magaalooyinka soo harayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 199 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 27 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 561 qof, Kaddib markii maanta ay hay’adda THl sheegtay 5 qof oo hor leh oo u dhantay feyruska korona dalkaan Finland.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

 26 267 716    83 195 459
      568 654    1  814 955

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

 

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 20,2 milyan 234 550   3 880 350 778
2 Hindiya 10,3 milyan    21 957      299 148 774
3 Baraaziil 7,61 milyan    55 853   1 224 193 940
4 Ruushka 3,13 milyan    27 002      599   56 426
5 Faransiiska 2,60 milyan     26 457      303   64 381
6 Ingiriiska 2,43 milyan     50 023      981   72 548
7 Turkiga 2,19 milyan     15 692      254   20 642
8 Talyaaniga 2,08 milyan     16 202      575   73 604
9 Isbeyn 1,92 milyan     15 058      247   50 689
10 Jarmalka 1,71 milyan     28 066   1 066   33 486
11 Kolombiya 1,62 milyan      11 639      289   42 909
12 Arjantiin 1,61 milyan      11 765      145   43 163
13 Meksiko 1,40 milyan      12 099      990  123 845
14 Poland 1,28 milyan       13 022      568    28 022
15 Iiraan 1,22 milyan          6 271      149    55 095
16 Ukrine 1,04 milyan          7 986      243    18 324
17 K/Afrika 1,03 milyan       17 710      465    28 033
18 Peru 1,01 milyan           2 118        47    37 621

 Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS