Magaalada Helsinki oo bilowday maanta tallaalista dadka da’doodu ka weyn tahay 85 sano

Isniin 01.02. Magaalada Helsinki ayaa maanta bilowday in ay feyruska korona ka tallaasho dadka sannadkaan buuxiyay da’da 85-ta sano ee reer Helsinki ah, sidoo kale waxaa tallaalka la siinayaa dadka ehel daryeelaha ah ee haya dadkaas waayelka ah, kuwaasoo haysta go’aanka ehel daryeelista.

Illaa iyo haatan waxaa tallaalka qaatay shaqaalaha caafimaadka ee ka shaqeeya shaybaarrada lagu qaado saamiga feyruska korona iyo macaamiisha ku jirta goobaha lagu xanaaneeyo waayeelka iyo shaqaalaha ka shaqeeya goobahaas.

Toddobaadkii la soo dhaafay ayaa qaar ka mid ah dadka buuxiyay da’da 85 sano waxaa lagu tallaalay nidaamka ah ballanka hore loo sii qabsado, laakiin maanta waxaa dadkaas loo tallaali doonaa si koox-koox ama tiro badan oo dad ah oo isku mar la wada siin doono tallaalka, waxaana howsha tallaalku ay bilaabatay saaka 8.16 daqiiqo.

Waxaa jirta baqdin ay dad badan ka muujinayaan tallaalka, iyadoo la isla dhexmaraayo warar aan sugnayn oo ku saabsan in tallaalku leeyahay saamayn aad u xun, islamarkaana uu sababaayo dhimasho.

Xarunta horumarinta iyo ammaanka daawada ee dalkan Finland Fimea ayaa sheegtay in illaa iyo haatan cabashooyinka ka dhanka ah tallaalka feyruska korona ee soo gaaray, ay kulligood ku saabsan yihiin saamaynta caadiga ah ee tallaaladu iska leeyihiin sida xummad, meesha tallaalka oo xanuunta qofka iyo xasaasiyad. Fimea waxaa ay sheegtay in illaa iyo haatan dalkaan Finland aanu jirin qof u dhintay tallaalka awgiis.

Dadka buxiyay da’da 85-ka sano waxaa guryaha loogu soo diray waraaqo loogu sheegaayo arrinka tallaalka, qofkii doonaya waxaa uu hore u sii qaadanayaa waraaqda loo soo diray iyo kaarka caafimaadka ee Kela-kortiga, sidoo kale qofka ah ehel daryeelaha ee haya qofkaas waayeelka ah oo doonaya tallaalka, waa in uu hore u sii qaataa go’aanka Kela ay ka gaartay arrinkiisa ehel daryeelista ah, Haddii aanay waraaqda go’aanku guriga u oollin, waxaa uu kala soo bixi karaa boggiisa u gaarka ah ee Kela-da.