Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Finland waxaa laga helay maanta 510 qof oo uu ku dhacay feyruska korona

Jimco 24.9.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 510 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 139 000 qof.

Meelaha ugu badan ee feyruska korona waa gobolka Uusimaa ee caasimadda Helsinki iyo nawaaxigeeda oo laga helay 174 qof, gobolka labaad ee laga helay tirada ugu badan waa gobolka Varsinais-Suomi 69 qof.

Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL)ayaa maanta sheegtay dhimashada 3 qof oo hor leh oo cudurka korona awgiis u dhintay, taasoo tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 1 065 qof.

 Isbitaalka waxaa haatan xanuunka feyruska korona awgiis ugu jira tiro gaaraysa 104 bukaan, qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 21 bukaan ah.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaalka qaateen dad lagu qiyaasay 4,1 milyan, taasoo u dhiganta 73,5% qof, labada tallaalba waxaa loo dhammaystiray oo qaatay ku dhawaad 3,3 milyan, taasoo u dhiganta 60,0% oo qof (24.9.).

Xigasho:  YLE