Wararkii ugu dambeeyay ee Korona- Finland oo laga helay 43 qof oo cusub oo qaba feyruska korona

Sida ay sheegtay Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL waxaa Talaada 25.8 laga helay dalkan Finland 43 qof oo hor leh oo uu ku dhacay feyruska korona. Tirada guud ee dadka uu ku dhacay feyruska ee dalkaan Finland ayaa noqoneysa 7981 qof.

Iyadoo mawjaddii labaad ee feyruska ay ka bilaabatay dalkan Finland ayaa waxaa jirta in toddobaadyadii la soo dhaafay ay aad u soo badanaysay tirada dadka uu ku dhacayo feyruska. Waxaa la filayaa in magaalooyinka dalkan ay dhawaan soo saari doonaan xadeymo cusub oo looga hortagaayo faafitaanka cudurka.

Dowladda Finland ayaa hore u qaadday tilaabooyin ay dib ugu soo celinayso ilaalinta xuduudaha gudaha iyo kuwa dibadda ee dalalka uu korona markale aad ugu faafay.

Warbixintan waxaa diyaariyay Ustaad Abdirizak Sugulle