Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO): Ma jiro wax tallaal ah oo soo buuxiyay shuruudihii la rabay

Sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), ma jiro wax tallaal ah oo loogu talaggalay feyruska korona oo illaa iyo haatan soo buuxiyay shuruudihii laga rabay tallaalkaas, laakiin waxaa ay hay’addu sheegtay in ay socdaan dadaallo heer caalami ah oo lagu doonaayo in lagu soo saaro tallaal aamin ah oo waxtar leh.

Hay’addu waxaa ay sheegtay in ay jiraan 29 tallaal oo maraya heerka tijaabada, sidoo kale 138 tallaal ayaa maraya heerka qiimeynta, waxaana jira 9 tallaal oo iyagu u sharraxan tijaabinta marxaladda labaad ama saddexaad. Si kastaba ha ahaatee. Hay’addu ma sheegin taariikh dhab ah oo la filaayo in lagu soo saaro tallaal looga hortagi karo feyruska korona.

Warkan ayaa ku soo aadaya xilli dalka Ruushku uu dhowaan ku dhawaaqay in ay soo saareen tallaal, kaas oo sida ay madaxda Ruushku ku habboon in dadka lagu tallaalo.

Abdirizak Sugulle