Wararka feyruska korona ee Finland iyo caalamka intiisa kale

Finland waxaa laga helay 238 qof oo cusub oo qaba feyruska korona

 Arbaca 11.11.2012. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 238 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 18 345 qof.

Labadii toddobaad ee ugu dambaysay waxaa feyruska laga helay 2 967, tasoo 292 xaaladood ka badan labadii toddobaad ee ka sii horreeyay, oo xilligaas ay tirada laga helay feyruska ay ahayd 2 675.

Meelaha ugu badan ee faafista cudurku ka dhacay waxaa ugu badan Helsinki iyo gobolka Uusimaa oo laga helay (143), waaxda caafimaadka Varsinais-Suomi oo laga helay (33) iyo Waaxda caafimaadka ee Lapi oolaga elay (13). Magaalooyinka ugu badan ee laga helay feyruskana waa sidatan soo socota: Helsinki: 71, Vantaa: 33 qof, Turku:27 qof, Espoo: 26 qof, Tampere: 10 qof, Sodankylä: 11 qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ku jira 76 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 16 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran. Hay’adda THL waxaa ay maanta sheegtay in 2 qof oo hor leh ay u dhinteen dalkaan Finland feyruska korona, taasoo tirada guud ee dadka u dhintay feyruska ka dhigeysa 365 qof.

Xaaladda faafista feyruska ee HUS iyo nawaaxigeeda oo gacanta ku jirta, inkasta oo faafista feyrusku ay maalin walba sii kordheyso

 Waaxda caafimaadka ee Helsinki, Uusimaa iyo agagaarkooda ayaa toddobaad walba waxaa feyruska korona laga helaa 700-800 oo hor leh. Inkasta oo xaaladda faafistu ay aad u sarreyso, haddana howlaha wax lagaga qabanaayo ka hortagga feyruska ayaa ah wali kuwa gacanta ku jira oo aan faraha ka bixin, sidaasna waxaa sheegay dhakhtarka sare ee Marku Mäkijärvi oo ka tirsan waaxda caafimaadka ee HUS.

Saamiyaadii baaritaanka ee laga qaaday dadka deggan Helsinki iyo Uusimaa ayaa 3% waxaa ay ahaayeen kuwo poositiif ah oo feyruska laga helay. Saami qaadista ayaa haatan ah mid aad u sahlan oo uu qofku islamarkiiba helaayo, jawaabtana waxaa inta badan lagu helaa afar iyo labaatan saacadood gudahood.

Sida uu sheegay Mäkijärvi xaaladda bukaanka korona ee ku soo batay daryeelka isbitaallada, wali ma aysan gaarin heer ay dhibaato ama saameyn ku keenaan shaqooyinkii caadiga ahaa ee isbitaallada. Agagaarka waaxda caafimaadka HUS, waxaa haatan isbitaallada ku jira in ka badan 20 bukaanka feyruska korona la xanuunsan.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

12 660 459 51 456 775
 

Tirada u dhimatay feyruska

301 308 1 271 361

 

Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 10.5  milyan  135 653   1 346  245 800
2 Hindiya 8,63  milyan     44 679      511  127 615
3 Baraaziil 5,70   milyan     25 517      204  162 842
4 Faransiiska 1,82   milyan     22 180      857    42 207
5 Ruushka 1,81  milyan     20 977      368    31 161
6 Spain 1,44   milyan     17 395      411    39 756
7 Arjantiin 1,26  milyan    11 977      276    34 183
8 Ingiriiska 1,23  milyan    20 412      532    49 770
9 Kolombiya 1,15  milyan       7 612      174    33 148

Xigasho: YLE, HS,Worldmeters.info