Finland waxaa laga helay maanta 384 qof oo uu ku dhacay feyruska korona

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Sabti 17.07.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 384 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 99 976 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 68 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Meelaha ugu badan ee laga helay feyruska korona sidii caadiga ahayd waa gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 191 qof, waxaa kaalinta labaad ku jira gobolka Pirkanmaa oo laga helay 48, iyo gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 33 qof, sidoo kale gobolka Päijät-Hame oo laga helay 24qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 104
Tampere 34
Espoo 33
Vantaa 22
Lahti 20
Turku 20
Kouvola 7
Hämeenlinna 7
Porvoo 6
Kajaani 6
Vaasa 5
Kuopio 5
Kankaanpää 5
Kirkkonummi 5
Lohja 5
Oulu 5
Sotkamo 4
Rovaniemi 4
Kangasala 4
Jyväskylä 4
Raasepori 3
Yläjärvi 3
Janakkala 3
Joensuu 3
Kerava 3
Hattula 3
Nurmijärvi 3
Pori 3
Naantali 3
Seinäjoki 2
Raisio 2
Hausjärvi 2
Lappeenranta 2
Mänttä-Vilppula 2
Riihimäki 2
Asikkala 2
Tuusula 2
Lempäälä 2
Hamina 2
Loppi 2
Hollola 2
Pöytyä 2
Rauma 2
Järvenpää 2

 

Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 44 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 10 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 979 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 10 241 oo qof, kuwaasoo 7 891 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska ee haatan loo bixiyay Alfa, halka 1 428 waa nooca Koonfur-Afrika oo haatan loo bixyay Beeta, Nooca Hindiga oo ah 916 oo haatan loo bixiyay Delta, iyo 6 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil, oo haatan loo bixiyay Gamma. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 15.07).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 3 554 030 oo qof, labada tallaalba waxaa loo dhammaystiray oo qaatay ku dhawaad 1 507 123 (17.07.).

Xigasho:YLE,HS