Finland waxaa laga helay 377 qof oo cusub oo qaba feyruska korona

Sabti 12.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 377 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 30 450 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 3 232 oo qof ayaa ku darsantay, tiradii labadii toddobaad ee ka sii horreysay.

Iskudarka guud illaa iyo 62 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 180 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo 61 qof laga helay, iyo Pirkanmaa oo laga helay 26 qof.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki (112), Turku (52),Vantaa (30), Espoo (22), Tampere (15), Jyväskylä (11), Hämeenlinna (11), Vaasa (9), Oulu (5), Hyvinkää (4), Valkeakoski (4), Kouvola (4), Pohjois-Savo (4), Etelä-Savo (9), Etelä-Pohjanmaa (6), Satakunta (7).

Xaaladda cudurkan safmarka ah ayaa aad uga soo daraysay labadii toddobaad ee ugu dambeeyay, meelaha aadka ugu daran waa Helsinki iyo Uusimaa,Varsinäis-Suomi, Päijät-Häme, Pikanmaa, Keski-Suomi iyo gobolka Pohjois-Pohjanmaa.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 240 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 26 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Toddoba maalmood gudahood waxaa tirada daryeelka isbitaalka ku jirta ku soo kordhay 94 qof, tirada qaybta xaaladda aadka u daran waxaa toddoba maalmood gudahood ku soo kordhay 5 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 453 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tirada dhimashada waxaa ku soo kordhay 38 qof.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

20 957 388   71 536 243
 

Tirada u dhimatay feyruska

      472 520      1  603 501

 

Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
  1 Maraykanka 16,2   milyan  246 761    3 031 302 762
  2 Hindiya 9,82   milyan    30 034       440 142 662
  3 Baraaziil 6,83   milyan    52 770       652 180 453
  4 Ruushka 2,59   milyan    28 585       613   45 893
  5 Faransiiska 2,35   milyan    13 406       412   57 567
  6 Ingiriiska 1,80   milyan     21672       424   63 506
  7 Talyaaniga 1,80   milyan     18 727       761   63 387
  8 Turkey 1,78   milyan     32 106       226   15 977
  9 Spain 1,74   milyan       7 053       280   47 624
10 Arjantiin 1,48   milya       7 112       175   40 606
11 Kolombiya 1,40   milyan       8 988       185   38 669
12 Jarmalka 1,29   milyan     28 334       587   21 820
13 Meksiko 1,21   milyan     11 897       671  112 326
14 Poland 1,11   milyan     13 112       544    22 174
15 Iiraan 1,09   milyan       9 384       232    51 727
Xigasho : YLE,HS,WORLDOMETERS