Shaqaalaha dukaamada waaweyn ee Finland oo shaqo-joojin samaynaya laga billaabo berri oo Khamiis ah (9.2.2023) – Liiska dukaamada ay shaqo-joojintu saamaynayso

Sawirka- K-Citymarket HML:Abdi Musse-SSMV

Kaddib markii heshiis laga gaari waayay muranka mushaar-kordhinta ah ee u dhexeeya iskaashatada shaqaalaha dukaamada ka shaqeeya iyo iskaashatada shaqo-bixiyayaasha dukaamada ayaa waxaa laga billaabo berri billaabanaysa shaqo-joojin ay shaqaalaha dukaamadu samayanayaan.

Inkastoo ay shaqaaluhu ku jiraan shaqo-joojin, dukaamada oo dhan ma wada-xirmayaan oo waxaa laga yaabaa in madaxda dukaamadu ay shaqada sii wadaan. Si kastaba ha ahaatee waxaa dhici karta ama loo badinayaa, in alaabo badan ay ka go’aan dukaamada.

Shaqo-joojinta shaqaalaha dukaamadu waxay billowga hore si gaar ah u quseysaa dukaamada waaweyn.

Iskaashada xirfadlayda PAM oo ay shaqaalaha shaqo-joojinta samaynaya ka tirsan yihiin ayaa sheegtay in wejiga koowaad ee shaqo-joojinta shaqaalaha dukaamadu uu hirgelayo 9-11 bishan Febraayo 2023 ee aan ku jirno.

Shaqadu waxay joogsanaysaa subaxda Khamiista (9.2.2023) saacaddu marka ay tahay 5:00 aroornimo waxayna dhammaanaysaa Sabtida (11.2.2023) saacaddu marka ay tahay 5:00 aroornimo.

Iskaashatada PAM ayaa shaqo-joojintan ku doonaysa in ay ku gaaraan, in shaqaalaha loo sameeyo mushaar-kordhin 200 oo yuuro ah.

Liiska dukaamada ay saamaynayso shaqo-joojinta ee ku yaal dacallada Finland halkan riix si aad u aragto.

Waxaa kale oo dhici karta in shaqo-joojin tan ka ballaaran ay PAM ku dhawaaqdo haddii aan heshiis laga gaarin muranka mushaarka kordhinta la xiriira.

Isha warka: Iltalehti iyo PAM