Dowladda Sweden oo ka digtay in mowjaddii saddexaad ee feyruska korona ay bilaaban doonto, dalkana la kala xiri doono

Sawirka: Screenshot/Google Maps

Arbaca 17.02.2021. Dowladda dalka Swden ayaa u diyaargaroobaysa sidii looga hortagi lahaa mowjaddii saddexaad ee cudurka safmarka ah ee feyruska korona oo laga cabsi qabo in ay dalkaas ka bilaabato, iyadoo dalka lagu soo rogi doono howlo cusub ee xadaymo hor leh ah oo kuwii hore ka sii adag.

Wasiirka arrimaha bulshada iyo caafimaadka Lena Hallengren oo maanta oo Arbaca ah shir jaraa’id qabatay ayaa shaaca ka qaadday, in ay dhici karto in dowladdu ay qaybo ka mid ah dalka jid xir ku samayso.

Hallengren waxaa ay sheegtay in faafista cudurku ay si xawli leh ku socoto, taaso ah bay tiri arrin welwel leh. Waxaana haatan aad looga cabsi qabaa in mowjaddii saddexaad ee cudurka ay dillaacdo.

Waxaa wasiiraddu ay intaas ku dartay in mustaqbalka dhow ay dhici karto in la xiro xarumaha dukaamada waawayn, hoolalka jimicsiga iyo dukaamadaba. Waxaa sidoo kale xadidaad lagu samayn doonaa kulammada dadka iyo isu imaatinka goobaha guud.

Xigaso: HS