Wararka feyruska korona Finland iyo caalamka intiisa kale

Kaarto Muujineysa xaaladda Guud ee Korona Feyrus iyo Sida uu u kala saameeyay gobolada dalka. Xuquuqda Sawirka: Screenshot/THL

Finland waxaa laga helay 189 qof oo cusub oo qaba feyruska korona.

Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Jimce 16.10.2020 laga helay feyruska korona 189 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa gaareysa 13 133 qof.

Meelaha ugu badan ee ee cudurku aadka ugu faafayo waa magalada Helsinki iyo gobolka Uusimaa oo laga helay 112 qof oo cusub (Helsinki 63, Espoo 23 iyo Vantaa 11) iyo Vaasa oo laga helay 19 qof oo cusub. Sidoo kale Varsinais-Suomi ayaa iyagana laga helay 18 qof oo feyruska qaba.

Hay’adda THL ayaa sheegtay in hal qof oo hor leh uu dhintay feyruska korona awgiis dalkaan Finland, taasoo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 351 qof.

Daryeelka Isbitaalka waxaa koronaha dartiis ugu jira haatan 50 qof. 10 qof oo dheeraad ah ayaa ku soo biirey tiradii ku jirtey daryeelka isbitaalka maalintii Arbacada ee aynu soo dhaafnay. Qaybta xaaladda aadka u daran waxaa ku jira 6 qof.

Dhakhtar sare oo ka tirsan maamulka Waaxda caafimaadka Helsinki iyo Uusimaa (HUS) oo ka digay in xaaladda feyruska ee caasimadda iyo agagaarkeedu ay meel adag ku sii socoto

Dhakhtarka sare ee maamulka waaxda caafimaadka Helsinki iyo Uuusimaa Teppo Heikkilä oo u warramayay kanaalka MTV 3 ayaa sheegay in xaaladda Helsinki iyo gobolka Uusimaa oo dhan ay ku dhowdahay heerkii faafista aadka u ballaaran ee cudurka korona, waxaana suurtaggal ah buu yiri dhakhtarku in marka herkaas arrinku gaaro la qaato go’aanno cusub oo ka adag kuwii hore oo looga hortaagyo faafista cudurka.

Khamiistii talosoojeedintii ay dowladdu soo saartay waxaa ay ahaayeen kuwo la socda xaaladda cudurka ee haatan uu marayo oo ah marxaladda ama heerka karaar qaadashada, laakiin marka loo wareego heerka faafista aadka u ballaaran ah, talosoojeedintaasu intii hore waa ay ka sii adkaanaysaa, tusaale ahaan waxaa la joojinayaa dhammaanba munaasabadaha guud, xarumaha guud ee dowldda iyo kuwa dadku isugu yimaadaanna waa la xirayaa.

Dhakhtar Teppo waxaa uu sheegay in qiimeeyntii ay maanta sameeyen kooxda dhakhaatiirta ah ee hawshaan u xilsaaran ay sheegeen, in wali lagu guda jiro marxaladda ah karaar qaadashada cudurkan safmarka ah, laakiin buu yiri wax badan ma sii socon doonto, waxaana jirta cabsi badan oo ah in marxaladda faafista aadka u ballaaran si dhakhso ah loogu gudbo, iyadoo ay jiraan astaamo yaryar oo muujinayaa arrinkaas, haddii xaaladdu ay sida hadda ku sii socoto.

Dhakhaatiirtu waxaa ay sheegeen in tirada dadka isbitaalka u galay cudurka ay soo labanlaabmeen, laakiin haddana nasiib wanaag xaaladda isbtaallada ee dalkan waa mid aad u deggan, wax walbana gacanta ayaa si fiican loogu hayaa.

Dhinaca kale , Kaaliyaha dhaktarka sare ee HUS Eeva Ruotasalainen ayaa iyaduna shir jaraa’id ka sheegtay in xaaladda caasimadda iyo agagaarkeedu ay aad u soo xumaanayso, iyadoo dadka 80 %  ee uu cudurku ku dhacay aanay garanaynin halka ay ka soo qaadeen, ama cidda ay u nuglaadeeen.

Eeva Ruotsalainen waxaa ay tirisay goobaha ugu badan ee dadkii laga helay feyruska ay ka soo qaadeen cudurka, kuwaasoo kala ahaa: 15 xafladood oo kala ahaa aroosyo, xaflad diimeedyo, dhalasho, kuwaasoo kala bar dadkii uu cudurku ku dhacay ay si aad ah ugu xanuunsadeen. Sidoo kale goobaha cudurku ku faafay waxaa ka mid ahaa xarumaha hiwaayadda ee isboortiga, gaar ahaan ciyaarta xeegada barafka.

Howlaha Ururada diiniga ah oo la doonaayo in lagu soo daro sharciga cudurrada faafa

Sharciga cudurrada faafa ayaa la doonayaa in lagu dabaqo ururrada diiniga iyo goobaha cibaadada lagu sameeyo. Xillligaan haatan ah ururrada diiniga ah iyaga ayaa go’aan ka gaari kara arrimaha ku saabsan xadeynta inta qof ee isugu imaan karta goobaha cibaadada, waayo dastuurka dalka ayaa wuxuu damaanad u yahay xorriyadda diimaha.

Wasaaradda arrimaha bulshada iyo caafimaadka ayaa waxay baarlamaanka u gudbisay talosoojeedintooda ku saabsan wax kabeddelista sharciga cudurrada faafa, si ay u suurtaggasho in howlaha xadeynta ah ee lagu xakamayenaayo kahortagga feyruska loo isticmaalo si ballaaran, iyadoo aanay jirin waxyaabo gaar ah oo ka baxsan awooddaas.

Wasiirka Sayniska iyo dhaqanka Annika Saarikko ayaa waxaa ay sheegtay, in ay damacsan tahay in ay isugu yeerto wakiillada ururrada diiniga ah, si ay ugala xaajooto dib u cusbooneysiinta sharcigaas iyo suurtaggalnimada ah in sharcigaas lagu dabaqo ururrada diiniga ah iyo goobaha cibaadada.   Waxaana ay wasiiraddu sheegtay in inta ugu badan ururrada diiniga ah iyo masaajiddu ay howlihii looga hortagaayay feyruska korona xilligii gu’ga ee la so dhaafay, ay u qabteen si mas’uuliyad ku dheehan tahay oo ku dayasho mudan.

Waxaa jirta haatan in maamul goboleedyadu ay gaareen go’aanno lagu xadeynaayo tirada inta qof ee halkii mar kulmi karta, go’aamadaasina ma qabanayaan ururrada diiniga ah iyo goobaha cibaadada. Arrinkan waxaa si gaar ah u soo kiciyay ka doodistiisa, kaddib markii kaniisad ku taalla magaalada Jyväskylä ay qabanqaabisay munsaabad diini ah, taasoo sababtay in ay feyruska u nuglaaden dad tiradoodu gaareyso 700 oo qof, oo la geliyay karantiil.

Sida dastuurku uu dhigaayo sharciga xorriyadda diimaha ayaa u oggolaanaya ururrada diiniga ah in ay xorriyad buuxda u leeyihiin sameynta cibaadooda. Gu’gii la soo dhaafay markii uu sida xoogga leh uga dillaacay xanuunka safmarka ee korona dalkaan Finland, oo ay dowladdu gelsiay dalka xukunkii degdegga ahaa, ayaa ururrada diiniga ee islaamka iyo masaajidda intooda badan waxaa ay u hoggaansameen amarradii ka soo baxday xukuumadda, waloow aanay si toos ah u khuseynin iyaga. Hase yeeshee si ummadda caafimaadkeeda loo ilaaliyo, islamarkaana looga qaybqaato dadaalka ay howlwadeennada dowladdu ugu jireen ka hortagga feyruska korona, ayay masaajidu go’aan ku gaarenen in la xiro goobaha cibaadada.

Ra’iisulwasaaraha dalka Finland oo iskaga soo baxday shirkii golaha midowga yurub, kaddib markii karantiil la geliyay

Ra’iisul wasaaraha dalka Sanna Marin ayaa ka soo baxday shirkii golaha midnimada Yurub, waxaana ay ku soo laabatay Finland maanta. Sanna Marin waxaa ay arbacadii la soo dhaafay baarlamaanka dhexdiisa isla joogeen xildhibaanka la yiraahdo Tom Packalen ee ka tisran xisbiga Finishka asalka ah (PS) kaasoo laga helay feyruska korona.

Waxaa intaas dheer oo ay ra’iisul wasaaruhu sheegtay in ay xitaa wiishka ay isla sugayeen oo ay aad isugu dhawaayeen. Ma annaan wada hadlin laakiin haddana waan isku dhaweyn, sidaa awgeed waa muhiim in aan qaato talada madaxa ammaanka ee golaha dowladda, oo ii sheegay in ay wanaagsan tahay in aan isaga soo baxo shirka, si aan u muujino taxaddar, ayay tiri ra’iisul wasaare Marin.

Ra’iisul wasaare Marin waxaa ay ka codsatay Ra’iisul wasaaraha Swden Stefan Löfven in uu isagu inta shirka ka dhimman ku matalo magaciisa dalka Finland.

Ra’iisul wasaaraha Finland Sanna Marin maanta ayay dib ugu soo laabatay dalka, waxaana laga qaadayaa saamiga baarista korona. Kaddibna waxaa ay u wareegi doontaa gurigeeda shaqada ee Kesaranta, halkaasoo ay ku geli doonto karantiil.

Tomi Packalen oo ah xildhibaaka laga helay feyruska korna kana tirsan xisibga mucaaradka ah ee finishka asalka ayaa ku eedeeyay ra’iisul wasaaraha in ay tahay mas’uuliyad ka carar. Wuxuu bartiisa face-booka ku soo qoray, in Marin ay qolka uu ku jiray meesha ugu dambeysa ka fadhiday iyadoo afshareerku u xiran yahay, sidaa awgeedna aysan isu dhoweyn. Wuxuuna ku eedeeyay in ay sababta ay shrika uga soo baxday ay tahay mas’uuliyad ka carar.

Maalmahaan dambe ayaa xildhibaanada xisbiyada mucaaradku waxaa ay xisbiyada talada dalka haya iyo ra’iisul wasaaraha ku eedeynayeen arrimo la xiriira qaabka dowladdu u maamushay kahortagga feyruska korona.

Magaalada Tuusula dad koox ah ayaa u nuglaaday feyruska

 Garoonka lagu ciyaaro ciyaarta xeegada ”icehockey” ee ku yaalla magaalada Tuusula ayaa dad koox ah oo joogay halkaa ay u nuglaadeen feyruska korona. Waxaa garoonka ku sugnaa ciyaartooyda kooxaha Tuusula iyo Hyvinkää ee ciyaarta xeegada, waxaana dhammaantood ay u nuglaadeen feyruska korona kaddib markii qof cudurka laga helay uu joogay goobta. Waxaa karantiil la geliyay dad gaaraya illaa iyo 50 qof.

Wararka guud ee Caalamka iyo feyruska korona

Dalka Holland

Dalka Holland ayaa maanta laga diiwaangeliyay tiradii ugu badneyd ee laga helo feyruska korona, kaddib markii afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay laga helay feyruska dad tiradoodu gaareyso 7 984 qof.

Labadii toddobaad ee la soo dhaafay ayaa tirada guud ee laga helay feyruska waxaa ay ku dhowdahay qiyaastii 80 000 oo qof. Dalka Holland tirada u dhimatay feyruska korona awgiis ayaa gaareysa 6 700 oo qof.

Dalka Poland

Dalka Poland sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalkaas waxaa maanta u dhintay feyruska korona 132qof afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay, waxaana laga helay feyruska tiro gaareysa 7 705 qof.

Guud ahaan waxaa dalkaas Poland laga helay 158 000 oo qof oo uu ku dhacay feyruska kororna, waxaana tirada guud ee dhimashadu ay tahay 3440 qof.

Dalka Azerbajan

Waxaa ay dowladda dalkaas Azejaban ku dhawaaqday in la joojin doono gaadiidka Metroga ee ka shaqeeya caasimadda dhexdeeda 19.10-2.11, go’aankaasoo ka qayb ah howlaha ay dowladdu wax kaga qabanayso kahortagga feyruska korona.

Dalka Azerbajan waxaa illaa iyo haatan laga helay feyruska in ka badan 43 280 qof, waxaana u dhintay 619 qof.

Dalka Check

Xaaladda feyruska korona dalkaas Check ayaa lagu soo warramayaa in aad u soo xumaanayso kaddib markii afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay laga helay feyruska tiro gaareysa 9 721 qof. Wasaaradda caafimaadka ee dalkaas ayaa sheegtay in tiradan ay tahay tii ugu badneyd ee laga helo feyruska tan iyo intii uu cudurkan safmarka ah ka bilowday dalkaas.

Dalka Check oo tirada dakiisu ay tahay 10.7 milyan, ayaa haatan ah dalka ugu daran qaaraddan Yurub ee xaalada feyruska korona ay aadka u adag ay ka jirto. Waxaana tirada illaa iyo haatan laga helay feyruska ay gaareysaa 149 000 oo qof.

Haatanna waxaan si kooban uu eegi doonnaa dalalka ugu daran caalamka ee xaaladaha ugu badan ee feyruska korona laga helay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

Maraykanka

Waxaa afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay laga helay feyruska 18 047 qof, waxaana u dhintay tiro gaareysa 308 qof. Tirada guud ee cudurku uu ku dhacay waa 8, 2 milyan qof, waxaana u dhintay 223 025 oo qof.

 Hindiya

Waxaa afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay laga helay feyruska 55 159 qof, waxaana u dhintay tiro gaareysa 770 qof.  Tirada guud ee cudurku uu ku dhacay waa  7,4 milyan qof, waxaana u dhintay 112 916 oo qof.

 Baraaziil

Waxaa afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay laga helay feyruska 28 523 qof, waxaana u dhintay tiro gaareysa 713 qof.  Tirada guud ee cudurku uu ku dhacay waa 5,1 milyan, waxaana u dhintay 152 000 oo qof.

Ruushka

Waxaa afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay laga helay feyruska 15 150 qof, waxaana u dhintay tiro gaareysa 232 qof.  Tirada guud ee cudurku uu ku dhacay waa  1,4 milyan qof, waxaana u dhintay 23,723 qof.

Ingiriiska

Waxaa afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay laga helay feyruska 15 650 qof, waxaana u dhintay tiro gaareysa 136 qof.  Tirada guud ee cudurku uu ku dhacay waa  689,257 qof, waxaana u dhintay 43 429 oo qof.

Sucuudiga

Waxaa afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay laga helay feyruska 433 qof, waxaana u dhintay tiro gaareysa 17qof.  Tirada guud ee cudurku uu ku dhacay waa  341,495 qof, waxaana u dhintay 5 144 qof.

Xigasho: YLE, HS, MTV3.