Raisul Wasaare Sanna Marin, “Dadka aan tallaalneyn ee qaba caabuqa COVID19 oo buux dhaafinaya Cusbitaalada Finland”

Sida lagu qoray bogga YLE news Dowladda Finland ayaa  ku guuleysatay in ay tallaasho 80% dadka, kaasoo ahaa hiigsigii dowladda ee horraantii deyrta, hase yeeshee cusbitaalada dalka ayaa waxaa buux dhaafinaya dadka qaba caabuqa COVID19

Yoolka dowladda oo ah in tallaalka la gaarsiiyay 80%, gebogebona ay ku dhowdahay dhameystirka tallaallidda dadka da’doodu tahay 12 sano jir ama ka weyn, ayaa haddana waxaa muuqata in caabuqa COVID19 uu ka sii darayo.

Wareysi ay siisay warbaahinta YLE, Raisul Wasaare Sanna Marin ayaa sheegtay  in caabuqa uu aad ugu faafayo dadka aan tallaalneyn, kuwaasoo ay sheegtay ay yihiin kuwa buux dhaafinaya isbitaalada, iyadoo intaa ku dartay inay ka welwelsan tahay.

Raisul Wasaaraha ayaa sheegtay in dowladeedu ay dib u eegis ku sameyn xaaladda caabuqa COVID19 arbacada soo socota.

Xigasho: Yle