8 382 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo hal xaalad oo dhimasho cusub ah

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Arbaco 19.1.2022. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Jimcihii kaddib illaa maanta  laga helay feyruska korona  8 382 oo qof oo hor leh dalkaan Finland. Labadii todoodbaad ee ugu dambaysay waxaa cudurka korona laga helay dalkaan Finland tiro gaaraysa 113 000. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 407 711 qof.

Faafista cudurka ee ugu weyn waxaa laga helay Gobolka Uusimaa ee caasimadda Helsinki iyo nawaaxigeeda, taasoo tirada laga helay aay noqotay 3000 oo qof. Gobolka labaad ee tirada ugu badan ee krorona laga helay waa gobolka Pirkanmaa oo laga helay in ka badan 1000 qof.

Isbitaalka waxaa haatan xanuunka feyruska korona awgiis ugu jira tiro gaaraysa 718 bukaan, qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 63 bukaan ah. Tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 1 762 oo qof, waxaana ay hay’adda THL ayaa sheegtay in xaaladaha dhimashada ee cusub ay gaarayso 9 qof, iyadoo sideed kamid ah ay shalay ahayeen, halka maantana laga soo gudboyay dhimashada hal qof.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in  xaaladda tallaalka ay tahay sidatan soo socota:

  1. Talaalka qaybta koowaad waxaa qaatay 4,23 milyan qof , taasoo u dhiganta 88%
  2. Tallaalka qaybta labaad waxaa qaadatay 4,05 milyan qof, taaso u dhiganta 85%
  3. Qaybta saddexaad ee tallaalka waxaa qaadatay 1,97 milyan qof, taasoo u dhiganta 41%.

Xigasho:Yle,HS,MTV3