Xaaladda faafista Feyruska korona ee magaalada Kainuu oo ka sii dareysa

Xaaladda faafista feyruska korona ee magaalada Kainuu ayaa u muuqata mid faraha ka sii baxeysa, oo aanay wax calaamado ka soo reyn ah ka muuqan.  Illaa iyo Axaddii la soo dhaafay tirada dadka cudurku ku dhacay ayaa gaareysa 18 qof, dhammaantoodna waa dad waaweyn oo ka shaqeeya magaalada Kainuu. Inta u nuglaatay cudurka oo halista ugu jira in uu ku dhacana waa qiyaastii inta u dhexeysa 150-160 qof.

Faafiska cudurku waxaa uu ka dhacay xubno qoys dhexdooda, goobaha hiwaayadda iyo goobo shaqaba.

Sida uu sheegay agaasimaha cudurada safmarka ah ee waaxda caafimaadka iyo arrimaha bulshada Olli-Pekka Koukari, Astaamaha laga helay dadka xanuunsaday waa kuwo aad u fudud, dhammaantoodna waa dad waaweyn, da’dooduna ay illaa 30 jir iyo wixii ka yar ay yihiin.

Dadka xanuunka laga helay waa dad xiriir uu ka dhexeeyo, laakiin goobaha u nuglaanta cudurku ka dhacay waa meelo kala duwan.

Arrinka ugu darran waxaa uu dhacay Isniintii la soo dhaafay, kaddib markii qof shaqaale ah oo laga helay feyruska korona Axaddii la soo dhaafay, uu jimcihii ka horreeyay la kulmay oo u nugleeyay cudurka qaar ka mid ahmacaamiisha iyo shaqaalihii xilligaas joogay waaxda adeegga dadka waaweyn ee naafada ah ee loo yaqaan Kultakuusi ee ku taalla Kainuu.

Xarunta Kultakuu waa laga joojiyay gabiahaanba in wax marti ay ay yimaadaan, dhammaanba macaamiisha xerada ku jirta iyo shaqaalihii xilligaas joogayna waxaa laga qaaday saamiga baaritaanka feyruska korona.

Isha warka / MtV3 UUtiset