Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Korona ee Finland (Uusimmat tiedot korontilanteesta Suomessa somaliksi)

Helsinki 17.6.2020- Tirada guud ee kiisaska fayruska Korona ee baaritaanka shaybaarka lagu xaqiijiyay illaa iyo hadda waa 7117. Tiradii shalay waxaa ku korortay 5 kiis.

Waxaa isbitaalka lagu dabiibayaa 24 (4 kiis ayaa tiradii shalay ku korortay) qofood halka qaybta gargaarka degegga ah ay ku jirto 2 qofood (waxba kuma kordhin tiradii shalay).

Illaa iyo hadda waxaa la diiwaangeliyay 326 qofood (waxba kuma kordhin tiradii shalay) oo fayruska Korona u geeriyootay.

Xigasho: YLE/THL