Barnaamij la magac baxay “OmaStadi” oo lagu qabtay Xarunta Midnimada Soomaaliyeed Ee magaalada Helsinki

Xarunta Midnimada Soomaaliyeed ee magaalada Helsinki ayaa lagu qabtay Barnaamij la magac baxay  ”OmaStadi” oo ah barnaamij aragtiyada hormarineed ee  dadweynaha loo bedelayo mashaariic oo ay fulineyso magaalada Helsinki.

OmaStadi waa habka ay magaalada Helsinki ku hirgeliso dejinta miisaaniyadda laga qeybqaato, waana barnaamij suurogelinaya in dadka deggan magaalada Helsinki fikrado isku weydaarsadaan, ayna go’aamiyaan sida ay magaaladu u isticmaaleyso 8.8 Milyan oo Euro.

Barnaamijka oo ay fuliye ka ahayd hay’adda African Care, ayna martigelisay Somaliliitto, ayaa waxaa ka soo qeybgalay bulshada qeybaheeda kala duwan, iyadoo ka qeybgalayaasha loo qeybiyay kooxo shaqo oo koox walba ay aragtiyadooda ka doodayeen, soona bandhigayeen.  Aragtiyadaas ayaa marka dambe dadweynuhu u codeyn doonaan, haddii aragtidii guuleysata ayaana magaalada Helsinki hirgelin doontaa.

”Ujeedka ayaa ah in dadka deggan Helsinki ay soo bandhigaan aragtiyadooda, laguna kordhiyo magaalada” Cabdulrahman Cabdi Raage, ku simaha guddoomiyaha Ururka Midnimada Soomaaliyeed oo la hadlay Suomen Somali Media Verkosto.

Barnaamijka ayaa ugu dambeyn aragtiyada guuleysta oo hela codad ku filan oo mashaariic loogu bedelo ay hirgelin doontaa magaalada Helsinki, sida uu sheegay ku ximaha Guddoomiyaha ururka Cabdulraxmaan Cabdi Raage.