Wararkii ugu dambeeyay ee feyruska korona iyo Finland

Sida ay sheegtay haya’dda caafimaadka iyo nololwanaagga THL waxaa feyruska korona laga helay 7 qof. Tirada guud ee laga helay feyruska korona ayaa gaareysa 8049 qof.

 Helsinki

Qof qaba feyruska korona ayaa wuxuu dhexjoogay dhismaha jaamacadda Metropolia ee ku taalla xaafadda Mlyypyro. Waxaa arrinkaas u xaqiijiyay telefishinka warar MTV, madaxa isgaarsiinta ee jaamacadda Liisa Salo.

Liisa waxaa ay sheegtay in sida ugu dhakhsaha badan loola xiriiraayo dadka la filaayo in ay u dayacmeen qaadista feyruska.

Lohja

Sida ay qortay jariidada Ilta-Sanomat, waxaa la xiray dukaanka Tokmannni ee ku yaalla magaalada Lohja, shaki laga abo faafista feyruska korona awgiis. Sida uu maamulka dukaanka u sheegay warfidiyeennada, ma jiraan wax macamiil ah oo u dayacmay qaadista feyruska.

Kainuu

Dadka laga helay faafista feyruska korona ee cusbayd ee dhawaan ka dhacday gobolkaas , ayaa noqday 13 qof, iyadoo tiro gaareysa 100 oo kalena ay u dayacmeec qaadista cudurka. Dadkaas laga helay feyruska korona 12 ka mid ah dadkaas ay ku nool yihiin magaalada Kuhmo, hal qofka kalena uu ku noolyahay magaalada Kajaani.

Dadka u dayacmay qaadista feyruska waxaa ay ku kala sugan yihiin magaalooyinka Kuhmo, Kayaani iyo Sotakamo.

Goor hore oo maanta ayaa wakiillada caafimaadka ee gobolkaas waxaa ay sheegeen, in goobaha u dayacsanaanta feyrusku ka dhacday uu ka mid ahaa iskuulka la yiraahdo Tuupala. Dhammaan dadkii looga shakiyay in ay u dayacmeen feyruska korona waa lala kulmay.

Dhammaan magaalooyinka hoos yimaada gobolka Kainuu ayaa dadweynaha waxaa loo qeybin doonaa afshareer lacag la’aan ah, laga bilaabo isniinta 31.8

Isha warka: Yle

Xuquuqda Sawirka: Yle