Finland waxaa laga helay 336 qof oo cusub oo qaba feyruska korona ah iyo toddobo dhimasho ah

Jimce 04.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 336 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 26 758 qof. Toddoba beri gudahood waxaa tiradaas ku soo korotay 2 992 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 57 magaalo ayaa laga helay feyruska. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 190 qof. Waaxaha caafimaadka ee Finland ka kooban tahay, waxaa hadda xaaladda ugu daran ee faafista feyruska ku jira: Gobolka Uusimaa, Päijät-Häme, Pohjois-Pohjanmaa, Kymenlaakso, Kanta-Häme iyo Pohjis-Satakunta.

Magaalooyinka ugu badan waxaa ay kala yihiin sidatan soo socota: Helsinki (120), Espoo (34), Turku (27), Vantaa (20), Pieksämäki (10), Seinäjöki (7), Mikkeli (6), Kotka, Salo (4).

 Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 141 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 21 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Waxaana isniintii kaddib ku soo kordhay qaybtaan 2 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) 7 qof oo hor leh ayaa u dhintay feyruska korona dalkaan Finland, taasoo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland 415 qof.

Heerka faafista ee cudurkan safmarka ah waxaa ku jira gobollada kala ah: Uusimaa, Päijät-Häme, Pohjois-Pohjanmaa, Kymenlaakso, Kanta-Häme, Pohjois-Satakunta.

Heerka karaar qaadashada waxaa ku jira:Satakunta, Etelä-Savo, Kainuu, Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Keski-Pohjanmaa, Etelä-Karjala, Vaasa, Varsinais-Suomi, Pohjois-Karjala, Ahvenanmaa.

Heerka hoose ee asaasiga ah waxaa ku jira: Itä-Savo, Lappi, Pohjois-Savo.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

18 882 286   65 621 291
 

Tirada u dhimatay feyruska

     431 403     1   513 798

 

Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
  1 Maraykanka 14,5  milyan  218 576    2 918 282 829
  2 Hindiya 9,71   milyan    38 309       570 139 227
  3 Baraaziil 6,48   milyan    50 866       776 175 307
  4 Ruushka 2,37   milyan    28 145       554   41 607
  5 Faransiiska 2,25   milyan    12 696       324   54 140
  6 Spain 1,69   milyan      6 104       254   46 038
  7 Ingiriiska 1,67   milyan    14 879       414   60 113
  8 Talyaaniga 1,66   milyan    23 225       993   58 038
  9 Arjantiin 1,44   milyan      7 629       149   39 305
10 Kolombiya 1,34   milyan      9 233       188   37 305
11 Mexico 1,13   milyan    11 251       800 107 565
12 Jarmalka 1,28   milyan     22 910       448   18 260
13 Poland 1,02   milyan     14 835       620   18 828
14 Iiraan 1,00   milyan     13 922       358   49 348

Xigasho:YLE, HS, Worldometer