Madaxdweynaha Finland Sauli Niinistö oo sheegay in uu ku talajiro in uu madaxweyne Putin la hadlayo Jimcaha

Madaxweynaha Finland Sauli Niinistö Photo: Screenshot/TV

Sauli Niinistö oo shir jaraa’id u qabtay warfidiyeennada ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku xeeran weerarka uu Ruushku ku qaaday welina ku hayo Yukreyn.

Madaxweynaha oo dhowaan ka soo laabtay kulan uu Washington kula soo qaatay madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in uu ku talajiro in Jimcada berri ah oo ku beegan 11.3.2022 uu la hadlo madaxweyne Putin.

Tallaabada lagula hadlayo madaxweyne Putin waxaa horay u qaaday hoggaamiyayaal Reer Yurub ah sida madaxweynaha Faransiiska iyo Madaxa Golaha wasiiradda ee Jarmalka.

Dalka Finland oo taariikh colaadeed iyo mid nabadeedba la soo maray Ruushka islamarkaasna xuduud la wadaagga Ruushka ayaa welwel ka qaaday weerarka qaawan ee uu Ruushku ku qaaday Yukreyn. Madaxweynaha iyo xukuumadda Finland ayaa dhankooda wada dadaallo ay kaga salgaarayaan suurtagalnimada in Heshiis iskaashi oo dhow oo dhanka difaaca ah ay la yeeshaan Gaashaanbuurta Nato iyo Mareykanka.

Aragtida shacabka iyo siyaasiyiinta Finland ee ku aaddan ku biirista Nato ayaa hadda u muuqata in ay sidii hore ka yara beddelantahay, waxaana laga yaabaa in la billaabo qorshe dadka aftida ku biirista Nato looga qaadayo.

Isha warka: Madaxtooyada Finland