Magaalada Helsinki oo sheegtay in koox dad ah oo u damaashaad tegay Linnanmäki ay sababeen halis ay dad badan ku qaadi karaan Fayruska Korona

Helsinki 3.8.2020- Waxaa soo  baxaya warar sheegaya in koox wada-socotay oo todobaad kahor tegay Linnanmäki ay sababeen halis muuqata oo ay dadkii kale ee iyaguna goobta joogay ku qaadi karaan cudurka safmarka ah ee uu fayruska Korona sababo.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in kooxdan ay booqatay Linnanmäki 26.7.2020 saacaddii u dhexeysay 15-18 saac, xilligaas oo ay dad badani goobta ku sugnaayeen.

Maamulka magaalada Helsinki oo arrintan ka hadlay ayaa ku booriyay dhammaan dadkii maalintaas tegay Linnanmäki in ay caafimaadkood la socdaa.

Waxaa kale oo dadka maalintaas meesha joogay lagula talinayaa in ay baaritaan raadsadaan, haddii ay isku arkaan calaamadaha lagu garto cudurka uu keeno fayruska Korona.

Maamulka beerta damaashaadka Linnanmäki ayaa sheegay in ay la xiriirayaan dadkii maalintaas goobta joogay iyagoo adeegsanaya macluumaadyada ay dadku tikidhada ku iibsadeen.

Xaaladda Korona ee Finland ayaa hadda ah mid deggan, laakiin waxaa jirta cabsi laga qabo in mowjad labaad oo safmarka Korona ah ay dalka ka dillaacdo.

Isha warka: Magaalada Helsinki

Xuquuqda sawirka: Yle