Finland waxaa laga helay maanta 296 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo 6 xaaladood oo dhimasho cusub ah

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Arbaco 21.04.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 296 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 84 797 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 4 381 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 54 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay146 qof,  gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 59 qof,  iyo gobolka Pirkanmaa waxaa  laga helay 33 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 58
Turku 36
Vantaa 34
Tampere 28
Espoo 26
Salo 8
Lappeenranta 8
Paimio 7
Oulu 6
Lahti 6
Järvenpää 5
Kotka 4
Tuusula 4
Raahe 4
Kerava 4
Kangasala 3
Kirkkonummi 3
Sipoo 3
Naantali 3
Orimattila 3
Hämeenlinna 3
Hamina 2
Askola 2
Nurmijärvi 2
Loimaa 2
Hollola 2
Ylivieska 2
Pyhäjöki 2

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 142 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  35 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 899 qof, kaddib markii ay maanta hay’adda THl sheegtay dhimashada 6 qof oo hor leh. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 33 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 4200 oo qof, kuwaasoo 3 658 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 541-ka kalena uu yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 1 367 666 oo qof (21.04).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
Tirada feyruska laga helay 48 327 844 143 683 765
Tirada u dhimatay feyruska  1 031 770 3 060 997

 

Qaaradda Afrika Qaaradda Aasiya
Tirada feyruska laga helay 4 489 169 34 650 551
Tirada u dhimatay feyruska  118 919 474 557

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS