Xaggee, yaase looga baahan yahay baasaboorka korona?

Talaada 12.10.2021 Sida wararka ku soo baxay qaar ka mid ah warbaahinta dalkaan Finland ay maanta sheegeen, waxaa dalka ka hirgeli doona Sabtida soo socota baasaboorka korona, kaasoo laga dalbi doona dadka macaamiisha ah marka ay galayaan goobaha adeegyada kala duwan laga helo.

Ujeedada aasaasiga ah ee looga golleeyahay arrinkaas, waa in tusaale ahaan maqaaxiyaha iyo goobaha isboortiga gudaha lagu ciyaaro ay ka baaqsadaan in xadidaad lagu soo rogo, islamarkaana ay macaamiishooda shardi uga dhigaan baasaboorka korona.

Goobaha ganacsi ee sida gaarka ah loo leeyahay iyaga ayaa go’aan ka gaaraya in ay macaamiishooda ka dalbadaan baasaboorka korona iyo in ay iska daayaan. Hase yeeshee haddii tusaale ahaan maqaaxidu ay macaamiisheeda ka dalbi waydo in ay soo qaataan baasaboorka korona, waxaa maqaaxida saarnaanaya xaddidaadaha looga hortagaayo faafista feyruska, sida xadidaadda tirada macaamiisha iyo kala fogaanshaha.

Goobaha ama adeegyada uu baasaboorka korona sida gaar ah u khuseeyo waa baararka, caweysyada habeenkii ee muusiga iyo kuwa khamriga lagu cabo iyo maqaaxiyaha cuntada.

Waxaa sidoo kale tusaale ahaan ka mid ah goobaha la iska rabo baasaboorka korona, meelaha guud ee dadku isugu yimaadaan, sida golaha murtida iyo madadaalada, matxafyada iyo carwooyinka waawayn ee riwaayadaha iyo bandhigyada lagu sameeyo.

Goobaha isboortiga ee ay ka midka yihiin hoolalka jimicsiyada, goobaha isboortiga ee kooxaha kala duwan, kuwa lagu ciyaaro isboortiga gudaha, goobaha isboortiga carruurta, hoolalka dabaasha iyo goobaha nasashada ee adeegyada iyo barkadaha lagu dabaasho leh (kylpylät), ayaa iyaguna ku jira liiska goobaha ay dhici karto in ay macaamiishooda ka dalbadaan in ay sitaan baasaboorka korona.

Baasaboorka Korona waxaa la iska rabi doonaa dhammaan gobollada ay wali ka jiraan qaar ka mid ah xaddidaadaha looga hortagaayo faafista feyruska korona sida gobollada kala ah: Varsinais-Suomi, Satakunta, Pohjanmaa, Päijät-Häme iyo gobolka caasimadda iyo hareeraheeda.

Baasaboorka korona waxaa laga doonayaa da’da 16 sano jir iyo wixii ka weyn. Waxaana ay baasaboorka korona si lacag la’aan ama bilaash ah uga helayaan goobaha guud ee daryeelka caafimaadka.

Baasaboorka korona waxaa laga doonayaa in uu ku qoaran yahay tallaalka feyruska korona ee uu qofku qaatay, ama shahaadada negatiivka ee baaritaanka korona ee uu qofku soo qaatay muddo 72 sacadood gudahood ah ama caddayn ah in cuduruka feyruska korona uu ku dhacay qofka.

Nidaamka iyo qaabka loo isticmaalaayo waa mid ah in qofku uu shahaadada arrimahaas caddaynaysa ama baasaboorka korona uu soo saarto shaashadda telefoonka gacanta, sidoo kale iyadoo waraaq ahaan ahna wuxuu qofku ka heli karaa xarumaha daryeelka caafimaadka

Waxaana qofku uu baasaboorka korona kala soo bixi karaa adeegga internetka ee lagu kaydiyo warbixinaha caafimaadka qofka ee loo yaqaan Omakanta.fi.

Maqaaxiyaha, matxafyada iyo qabanqaabiyayaasha munaasabadaha kala duwan ayaa iyaguna waxaa ay samaysan doonaan ablikeeeshin lacag la’aan ah oo akhrin doona baasaboorka korona, iyadoo la adeegsanaayo nidaamka asataanta ee QR_koodi.

Xigasho: Yle