Warbaahinta Finland iyo tan caalamka oo si weyn wax uga qortay soojeedinta iyo hindisaha Xildhibaan Suldaan Said Ahmed ee ku aaddan in Bangiga Islaami ah laga furo Finland

Ururka Maaliyadda ee (Finanssiala ry): Ma jirto caqabad ku gudban aasaasidda Bangiyo Islaami ah

Kaddib markii uu Xildhibaan Suldaan Said Ahmed baarlamaanka Finland u gudbiyay dalab qoraal ah oo ku socday wasaaradda maaliyadda, kaas oo uu ku dalbaday in Finland laga hirgeliyo Nidaam bangi oo ay Muslimiintu isticmaali karaan diintooda aan ka soo horjeedin ayaa waxaa arrinkaas si aad ah wax uga qoray inta badan warbaahinta Finland iyo qaar kamid ah tan caalamka.

Wargeyska Katilimfinas ee ka soo baxa dalka Turkiga kana faallooda dhaqaalaha Islaamka iyo guud ahaan Dunida ayaa ka hadlay dalabka qoraalka ee uu Xildhibaan Suldaan Said u gudbiyay baarlamaanka Finland, kaas oo uu xildhibaanku ku dalbaday in muddo-xileedka baarlamaanka hadda doorashadiisa lagu jiro ee 2023-2027 lagu meelmariyo nidaamkan ay baahida weyn u qabaan Muslimiinta Finland oo lagu qiyaaso in ay dhan yihiin 130 000.

Wargeyska oo dalabka Xildhibaan Suldaan uu baarlamaanka Finland u gudbiya kuna wajahnaa wasaaradda maaliyadda qaadaa-dhigayay ayaa sheegay, in Xildhibaan Suldaan Said Ahmed, ergayga gaarka ah ee dowladda Finland u qaabilsan arrimaha nabadaynta iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika uu ka hadlay muhiimadda ay leedahay in Muslimiinta Finland ay helaan adeeg maaliyeed oo aan diintooda ka hor-imaanayn, kaas oo u fududaynaya in ay si simman uga faa’iidaystaan adeegyada bangiyada Finland.

Wargeyska ayaa dhanka kale sheegay in adeegyada bangiyada ee diinta Islaamka ku salaysan lagu tijaabiyay wakhti hore dalal badan oo reer Galbeedka ah, waxaana la qiray in adeegyadaas ay abuureen xisillooni iyo horumar dhaqaale iyo weliba sinnaan ay dadku u simanyihiin helitaanka adeegyada bangiyada.

Bangiyada Islaamiga ah ayaa ka jiray dalalka reer Galbeedka in ka badan 40 sannadood. Dalalka tusaale loo soo qaadan karo ee dhaqaalaha reer Galbeedkana safka hore uga jira, islamarkaasna laga helo adeegyo maaliyeed oo diinta Islaamka waafaqsan ayaa ah Ingiriiska, Faransiiska, Deenmaarki iyo Jarmalka.

Waxaa muuqata in wargeysyada ka soo baxa dalka Turkiga ay si gaar ah u xiisaynayaa soojeedinta xildhibaan Suldaan Ahmed, taasina waxay ka turjumaysaa sida ay maalqabeennada Turkiya ay u danaynayaan in ay maalgashadaan nidaamkan maaliyeed, haddii ay dowladda Finland aqbasho soojeedinta xildhibaan Suldaan.

 

Wargeyska ILTALEHTI oo kamid ah wargesyada maalinlaha ee ugu afka dheer Finland oo ka faalloonayay soojeedinta Xildhibaan Suldaan Said Ahmed ee ku aaddan nidaamka maaliyeed ee diinta Islaamka waafaqsan ayaa arrinkan ka wareystay qareenka sare ee Ururka Maaliyadda Finland, qareen Antti Laitila.

 

Ururka Maaliyadda ee (Finanssiala ry): Ma jirto caqabad ku gudban aasaasidda Bangiyo Islaami ah

Antti Laitila, qareenka sare Ururka Maaliyadda Finland ayaa sheegay, in uu aamisanyahay in aanay jirin caqabado sharciyeed ama habraacyo sidaas u weyn oo ka horimaanaya shaqooyinka bangiyada ee diinta ku salaysan.

Sanaa Kadib oo Jaamacadda Helsinki ku diyaarinaysa buugga shahaadada sare oo la xiriira Nidaamka Bangiyada iyo maalgashiga ee Islaamka ayaa sheegtay, in su’aasha qoraalka ah ee uu Xildhibaan Suldaan Said Ahmed soo gudbiyay ay tahay mid meesha ku habboon.

Sanaa oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay, in Muslimiinta intooda badan ay yihiin dad aad diintooda u aaminsan oo amaahda bangiyada u arkaya in ay mamnuuc ka tahay, sababtoo ah waxaa amaahda la socda oo laga bixinayaa dulsaar ama ribo.

Muslimiinta Finland ayaa aad u soo dhoweeyay soojeedinta iyo dalabka Xildhibaan Suldaan Said Ahmed ee uu ku dalbaday in Muslimiinta Finland ay helaan adeeg maaliyeed oo ay diintoodu oggoshahay.

Sheikh Abdirazak Sugulle Mohamed oo ah Imaamka masaajidka Suvella oo wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay Shabakadda Suomen Somali Media Verkosto ayaa kaga hadlay doorashooyinka, muhiimadda ay leedahay in la codeeyo, waxqabadka walaal Suldaan Said Ahmed, uguna baaqay bulshada reer Helsinki inay codkooda siiyaan.

 

Xildhibaanka Suldaan Said Ahmed iyo Culimada iyo hoggaanka masaajidda Finland oo 20.3.2023 kulmay ayaa ka hadlay arrimaha mudnaanta koowaad u leh Muslimiinta Finland iyo sidii ay culimada, hoggaanka masaajidda iyo xildhibaan Suldaan uga wadashaqeyn lahaayeen arrimahaas.

Xildhibaan Suldaan ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay intii uu baarlamaanka ku jiray ayaa ballanqaaday in uu har iyo habeen u taagnaan doono u doodidda xuquuqda aasaasiga ee Muslimiinta Finland iyo sare u qaadista arrimaha sida gaarka ah u taabanaya Muslimiinta.

Xildhibaan Suldaan oo hadda u sharraxan baarlamaanka Finland ayaa ka codsaday in Muslimiintu ay codkooda siiyaan si uu markale fursad ugu helo sii wadista u adeegista dadkiisa iyo guud ahaan bulshada Finland.

Reer Helsinki waxay codkooda oo ay siiyaan Murashax Xildhibaan Suldaan Said Ahmed ugu hiilin karaan diintooda, dantooda iyo danta dalka.

SSMV