Wararka feyruska korona ee Finland iyo caalamka intiisa kale

Finland waxaa laga helay 193 qof oo cusub oo qaba feyruska korona.

Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Talaada 27.10.2020 laga helay feyruska korona 193 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa gaareysa 15 163 qof.

Labadii toddobaad ee ugu dambeeyay waxaa dalka laga helay feyruska 2 664 qof, taasoo 57 qof dheer tiradii laga helay feyruska labadii toddobaad ee ka sii horreeyay

 Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ku jira 70 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, 11 kamid ah dadkaasna waxaa ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran.

 Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan

Dalka Tirada guud ee feyruska Tirada guud ee dhimashada Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada
Maraykanka 8,9 milyan 230 510 69 841 529
Hindiya 7,9milyan 119 030 36 838 505
Baraaziil 5,4 milyan 157 163 17 442 288
Ruushka 1,5 milyan 26 050 17 347 219
Faransiiska 1,086 milyan 34 761 33 417 257
Spain 1,1 milyan 34 752 19 851  193
Argantiin 1,081 milyan 28 896  11 712 405
Kolombiya 1,007 milyan 30 154    9 167 194