Wararka feyruska korona ee Finland iyo caalamka intiisa kale

Finland waxaa laga helay 188 qof oo cusub oo qaba feyruska korona.

Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Khamiis 29.10.2020 laga helay feyruska korona 118 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa gaareysa 15 556 qof.

Markii ugu horreysay ayay magaalad Espoo ka badatay Helsinki, dhanka faafista feyruska korona.

Meelaha ugu badan ee laga helay feyruska waxaa ay kala yihiin: Helsinki (32 qof), Espoo (33 Qof), Vantaa (22 qof),Oulu (19 qof), Turku (11 qof) iyo Tampere (5 qof), Rovaniemi (5 qof).

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ku jira 64 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, 10 kamid ah dadkaasna waxaa ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran.  Dhimashaduna waxaa ay maraysaa 354 qof.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

18 351 064 44 500 205
 

 

Tirada u dhimatay feyruska

497 833 1 174 314
 

Tirada ka bogsatay

7 216 729 30 059 219

 

Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan

Dalka Tirada guud ee feyruska Tirada guud ee dhimashada Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada
Maraykanka 9,1 milyan 233 130 81 581 1 030
Hindiya 8,0 milyan 120 563 49 912    509
Baraaziil 5,4 milyan 157 981 28 852      487
Ruushka 1,5 milyan               26 589 16 202    346
Faransiiska 1,235 milyan    35 541 36 437    244
Spain 1,194 milyan    35 298 19 765    168
Argantiin 1,130 milyan    29 730 13 942    341
Kolombiya 1,04 milyan    30 1565   8 717    188

                       

Xigasho: YLE, Worldometers.info