Finland waxaa laga helay maanta 423 xaaladood oo feyruska korona ah iyo 4 xaaladood oo dhimasho cusub ah

Khamiis 28.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 423 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 44 039 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 84 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 186 qof, gobolka Pirkanmaa oo laga helay 56 qof, iyo gobolka Varsinais-Suomi oo  41 qof laga helay.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 69 qof, Tampere 49, Vantaa: 41 qof, Espoo: 24 qof,  Jyväskylä: 24 qof, Turku: 21 qof, Oulu: 15 qof, Kuopio: 12 qof, Rauma: 10 qof,  Järvenpää: 9 qof, Hattula: 7 qof, Magaalooyinka Lahti iyo Kerava oo min : 6 qof ah, Magaalooyinka Närpiö, Tuusula, Uusikaupunki, Orimattila oo min : 5 qof ah, Magaalooyinka Kotka, Loppi, Mikkeli, Joensuu, Tornio oo min: 4 qof ah, Magaalooyinka Kouvola, Hämeenlinna, Riihimäki, Kirkkonummi, Porvoo, Mäntsälä, Karkkila, Kaarina oo min: 3 qof ah,  iyo magaalooyinka Hausjärvi, Kankaanpaa, Alajärvi, Nurmijärvi, Kauniainen; Raasepori, Askola, Pornainen, Lieto, Paimio, Kangasala, Pietersaari oo min : 2 qof ah, inta kale ee magaalooyinka soo harayna waa min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 138 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 22 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 664 qof, kaddib markii hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga ee Finland ay sheegtay maanta dhimashada 4 qof oo hor leh.

Xaaladda cudurka safmarka ah ee heerka faafista: HUS, Kymenlaakso, Päijät-Häme,, Kanta-Häme, iyo Varsinais-Suomi. Heerka karaar qaadashada, Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pohjois-Pohjanmaa, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Etelä-Karjala, Pohjois-Karjala, Ahvenanmaa, Kainuu, Pohjois-Savo, iyo Vaasa (marka laga reebo Korsnäs, Mustasaari, Pietarsaari iyo Maalahti, oo iyagu ku jira heerka faafista). Heerka hoose: Satakunta, Keski-Pohjanmaa, Itä-Savo, Etelä-Savo iyo Lappi.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

   32 679 629    101 546 529
         718 637       2 187 023

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 26,1   milyan  151 879    3 916  439 521
2 Hindiya 10,7 milyan   11 752       134  153 885
3 Baraaziil 9,00 milyan    63 895     1 319  220 237
4 Ruushka 3,77 milyan    17 741        594   71 076
5 Ingiriiska 3,71 milyan    25 308     1 725  101 887
6 Faransiiska 3,10 milyan    26 916        350    74 456
7 Isbeyn 2,77 milyan    40 285        492    57 291
8 Talyaaniga 2,50 milyan    15 204        467    86 889
9 Turkey 2,45 milyan      7 489        132    25 476
10 Jarmalka 2,17 milyan    15 661        968    55 358
11 Kolombiya 2,05 milyan    13 953        395    52 523
12 Arjantiin 1,89 milyan    10 843        182    47 435
13 Meksiko 1,78 milyan    17 165     1 743  152 016
14 Poland 1,49 milyan      4 605        264    35 665
15 K/afrika 1,43 milyan      6 786        389    42 550
16 Iiraan 1,39 milyan      6 608          91    57 651
17 Ukriane 1,20 milyan      3 776        145    22 202
18 Peru 1,11 milyan      6 731        165    40 272
19 Indonesia 1,02 milyan    11 948        387    28 855

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS