Shirkadda Gaadiidka Soonaha Helsinki (HSL) oo joojinaysa shaqada dhowr Bas qaar kalana shaqadooda yareynaysa

Helsinki 23.7.2020- War ka soo baxay shirkadda gaadiidka HSL ayaa lagu sheegay in xaalad dhaqaale xumo oo shirkadda ka soo wajahday safmarka Korona dartiis loo joojinayo shaqada dhowr bas qaar kalana shaqadooda la yareynayo.

Basaska shaqadooda la jooninayo ee magaalada Helsinki dhexdeeda ka shaqeeya ayaa kala ah Baska lambarkiisu yahay 67V (Rautatientori- Topparimäki ), 39B (Kamppi- Munkkiniemi – Konala) iyo basaska 31, 32 (Munkkivuori – Pohjois-Haaga) oo aan iyaguna shaqeyn doonin maalmaha Sabtida ah.

Basaska shaqadooda la jooninayo ee magaalada Espoo ka dhex shaqeeya ayaa kala ah 238 (Leppävaara- Siikaniemi), 244K (Espoon keskus – Kolmperä – Siikaniemi), 565B (Espoon keskus – Jupperi). Waxaa kale oo aan dhammaadka todobaadka (Sabti iyo Axad) shaqaynayn Baska 104 ee isku xira Lauttasaari oo Helsinki ah iyo Haukilahti oo Espoo ah, dadka isticmaala oo aad u yaraaday darteed.

Basaska shaqadooda la jooninayo ee magaalada Vantaa ka dhex shaqeeya ayaa kala ah 432 (Martinlaakso – Kivistö – Kirkka) iyo 739V (Rautatientori – Pohjois- Nikinmäki) . Waxaa kale oo aan isna marka uu go’aankan dhaqangalo kaddib dhexmari doonin xaafadda Rajakylä baska lambarkiisu yahay 811. Baska lambarkiisu yahay 322 ayaan isna shaqeyn doonin Sabtida iyo Axadda.

Wakhtigada u dhexeeya tareennada P, I iyo K ee maalmaha shaqada iyo habeenka Sabtida oo hadda ah 10 daqiiqo ayaa noqon doona 15 daqiiqo.

Joojinta shaqada laga joojinayo basaskan ayaa dhaqangelaysa 10 Agoosto 2020, markaas oo uu dhaqdhaqaaqa gaadiidka dadweynuhu u wareegayo jadwalka xilliga Jiilaalka.

Xuquuqda sawirka: MTV

Isha warka: Helsingin uutiset