Mudaaharaadka Black Lives Matter (BLM) ayaa magaalada Turku ka dhacay

Turku 14.6.2020 Magaalada Turku ayaa waxaa 13.6.2020 ka dhacay mudaahaaraad ay soo agaasimeen dad ka dhiidhiyay dilkii uu maalin cad nin booliska Mareykanka ka tirsan uu u geystay nin Madow ah oo gacmaha ka katiinaysaa. Ninkan Madowga ah ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray George Floyd.

Fidéline Habimana oo kamid ah qabanqaabiyayaasha mudaaharaadkan ayaa danta dibadbaxan laga leeyahay ku tilmaantay, in lagu taageero dhaqdhaqaaqa xuquuqul-insaanka Black Lives Matter ee haatan dunida ka socda iyo in laga dhiidhiyo awoodda rabshadeed ee uu boolisku isticmaalo.

Waxaa kale oo mudaaharaadkan looga gol-lahaa in dareenka dadka lagu soo jeediyo cunsuriyadda nidaamsan.

Mudaaharaadayaasha ayaa watay boorar uu ku qornaa halkudhigga ah ”I Cannot Breathe”- ”Ma Neefsan karo” oo ah hadalkii ugu dambeeyay ee George Floyd afkiisa ka soo baxayay kahor intii uusan qurbixin.

Booliska Turku oo iyaguna goobta joogay ayaa waxay dhankooda ka siteen boorarka lagu bari-taageerayo dibadbaxyada lagu taageerayo dadka Madow Mareykanka ah.

Mudaaharaadkan oo kale ah ayaa horay loogu qabtay Bartamaha magaalada Helsinki, inkastoo markii dambe la joojiyay. Booliska ayaa sababta loo joojiyay ku sheegay in ay tahay tiradii la oggolaa in ay meel isugu soo baxaan xaaladda Korona darteed oo aad looga batay.

Xuquuqda sawirada: Malyun Daqare