Dibadbaxa Black Lives Matter oo maanta Helsinki ka dhacay

Fagaaraha Senaatintori ee Helsinki ayaa waxaa maanta oo Arbaco ah ka dhacay dibadbax lagu magacaabo Black Lives Matter. Photo: Mahad Sheikh Musse

Fagaaraha Senaatintori ee Helsinki ayaa waxaa maalinimadii  Arbaco ah ka dhacay dibadbax lagu magacaabo Black Lives Matter.

Dibadbaxan oo billowday saacaddu marki ay ahayd 5ta galabnimo ee wakhtiga Helsinki, Finland ayaa la joojiyay kaddib marki uu muddo saacad ah socday. Sababta loo joojiyay ayaa ahayd tirada dadka haatan isu imaatinkooda la oggolyahay oo uu aad uga bata.

Go’aanka mudaaharaadkan lagu joojiyay ayaa waxaa gaaray qabanqaabiyayaasha mudaaharaadka, ka gadaal markii uu boolisku sidaas ka codsaday.

Ujeeadada mudaaharaadkan waxay ahayd in cunsuriyadda lagaga soo horjeesto islamarkaasna xorriyadda la difaaco, sidaas waxaa warsidaha HS u sheegtay Sara Balhas oo ka mid ah qabanqaabiyayaasha dibadbaxan lagu baritaageerayo mudaaharaadyada Mareykanka ka socda iyo qaybo kale oo dunida ah. Ujeedadu ma ahan gadood ka dhan ah booliska Finland, ayeey Sara hadalkaada sii raacisay.

Booliska Helsinki ayaa sheegay in dadka mudaaharaadka jooga ay ka badan yihiin tirada la oggolyahay in ay xilligan la joogo isu soo baxaan ama si wadajir ah u kulmaan. Tiradaas ayaa ah 500 oo qofood waxayna ku salaysantahay awaamiirta ay xukuumadda Finland ka soo saartay xakamaynta xanuunka safmarka ah ee uu Korona fayrus keeno.

Xigasho: HS. Xuquuqda Sawirka: Mahad Sheikh Musse