Xildhibaan MP Suldaan Said Ahmed, Ergeyga Gaarka ah ee dowladda Finland u qaabilsan nabadaynta iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika oo kulan la qaatay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar

MP Suldaan iyo GX MP Sacdiyo@Mogadishu

Muqdisho, Soomaaliya: Ergeyga Gaarka ah ee dowladda Finland u qaabilsan nabadaynta iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika Xildhibaan MP Suldaan Said Ahmed oo maalmahan safar shaqo ku joogay Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya ayaa la kulmay Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Soomaaliya Marwo  Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar.

Xildhibaan MP Suldaan Said Ahmed iyo Guddoomiye ku xigeen Xildhibaanad Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa ka wadahadlay xiriirka labada dowladood iyo sida ay muhiimka u tahay in labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Finland ay xiriir wadashaqeyn yeeshaan.

MP Suldaan Said Ahmed iyo Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Soomaaliya marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar  ayaa isku afgartay in xiriirka labada baarlamaanka iyo dowladood la joogteeyo.

Kulankan ayaa dabas-ocda kulan khadka telefoonka ah oo ay maalmo kahor yeesheen Guddoomiyayaasha baarlamaannada Soomaaliya iyo Finland Mudane Sheekh Aadan Madoobe iyo Matti Vahnanen, kaas oo oo looga hadlay xiriir iskaashi oo labada baarlamaanka dhex mara.

Wixii warar ah ee ku saabsan socdaalka shaqo ee MP Suldaan Said Ahmed, Ergeyga gaarka ah ee Finland u qaabilsan nabadaynta Geeska Afrika halkan kala soco.