Xaflad taagero iyo soo dhoweyn ah oo Murashax xildhibaan Abdiweli Qaasim Gaabow loogu qabtay Magaalad Espoo ee dalka Finland

Xaflad taagero iyo soo dhoweyn ah oo Murashax xildhibaan Abdiweli Qaasim Gaabow loogu qabtay Magaalad Espoo ee dalka Finland. Photo courtesy: Abdiweli Qaasim

Espoo – Finland – Waxaa Jimcihii bishan  Janaayo oo ahayd 1-da sannadka cudub ee 2021 lagu qabtay magaalada Espoo, xaflad taageero iyo soo dhoweyn loogu muujinayay Musharax xildhibaan Abdiweli Qaasim Gaabow oo ah murashax u taagan xildhibaannimada baarlamaanka dowladda fedareelka Soomaliya oo deegaan doorashadiisu tahay Jubbaland.

Xafladdaas waxaa ka soo qaybgalay qaar ka mid ah ugaasyada, hogaamiyayaasha bulshada, siyaasiyiinta iyo dadweyne isugu jiray rag iyo dumar oo dhammaantoodba ka tirsan bulshoweynta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Finland. Waxaana dhammaan ay halkaas ka soo jeediyeen hadallo ku aaddan soo dhoweyn iyo taageero ay u muujinayeen musharax Xildhibaan Abdiweli Qaasin, iyagoo isku raacay in uu yahay shakhsi u qalma howshaas loo igmaday.

Xaflad taagero iyo soo dhoweyn ah oo Murashax xildhibaan Abdiweli Qaasim Gaabow loogu qabtay Magaalad Espoo ee dalka Finland. Photo courtesy: Abdiweli Qaasim

Ugu dambeyntii waxaa munaasabadda hadal kooban ka soo jeediyay musharax xildhibaan Abdiweli Qaasim Gaabow oo uga mahadceliyay dadweynaha soo dhoweynta iyo qaddarinta ay u muujiyeen, waxaana uu ballan qaaday in uu umadda ugu shaqeyn doono si caddaalad ah, islmarkaana uu noqon doono xildhibaan u taagan horumarinta danta guud ee umadda Soomaaliyeed.

Musharax Xildhibaan Abdiweli Qaasim Gaabow waa ganacsade deggan magaalada Espoo ee dalka Finland, waxaana uu ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee yimid Finland xilliyadii sagaashanaadkii. Abdiweli waxaa uu sidoo kale ka mid yahay dadka ka shaqeeya horumarinta arrimaha bulshada, islamarkaana sumcad wanaagsan iyo ixtiraam ku leh bulshada dhexdeeda.

Sidoo kale waxaa iyaduna xusid mudan in Abdiweli Qaasim uu yahay inta illaa iyo haatan la ogyahay murashaxa kaliya ee aan isagu doonan xildhibaanimada, laakiinse ay dadweynaha gobolku u soo jeediyeen in uu ku matalo, dabadeedna uu ka aqbalay, taasoo muujinaysa in ay tahay tallaabo wanaagsan oo aan hore loo arag, waayo meelaha qaarkood waxaa ka jirta in hal kursi ay u wada tartamayaan dhowr iyo toban qof oo mid walbaa uu geeskiisa ka doonayo in uu xildhibaan noqdo.

Waxaan u rajaynaynaa Xildhibaan Abdiweli in uu Allaah u fudueeyo xilkaas loo magacaabay, islamarkaana uu noqdo xildhibaan u taagan danaha umadda soomaaliyeed, kana shaqeeya sidii umadda loo mideyn lahaa.

Suomen Somali Media

Photo courtesy: Abdiweli Qaasim