Dowladda Finland oo markii ugu horreysay Qunsul sharafeed ku yeelanaysa dalka Jabuuti- MP Suldaan Said Ahmed oo arrintaas ka hadlay

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Mahmoud Ali youssouf oo Minttu Lindahl guddoonsiinaya warqadda caddaynta in diblomaasiyad Minttu ay Jabuuti ka shaqayn karto

Xildhibaan MP Suldaan Said Ahmed, Ergeyga gaarka ah ee dowladda Finland u qaabilsan nabadaynta iyo dib u heshiisiinta Geeska Afrika oo wakhti aan fogeyn kahor ka soo laabtay safar shaqo oo uu Geeska Afrika ku tegay ayaa shaaciyay, in Minttu Lindahl ay Finland u noqonayso qunsul sahrafeedkii ugu horreeyay ee ay Finland ku yeelato dalka Jabuuti.

Tallaabadan ayuu MP Suldaan Said Ahmed ku sifeeyay mid door shariif ah ka qaadan doonta sii xoojinta xiriirka Jabuuti iyo Finland ka dhexeeya gaar ahaan dhinaca baayac-mushtarka.

Safiirad Outi Holopainen oo ah safiirka Finland u fadhiya Itoobiya islamarkaasna ah safiirka rasmiga ah ee Finland u qaabilsan dalalka Koonfurta Suudaan iyo Jabuuti ayaa ku dhawaaqday, in Qunsul sharafeed Minttu Lindahl ay tahay qunsul sharafeedka rasmiga ah ee Finland u fadhiya Jabuuti.

Qunsul sharafeed Minttu Lindahl ayaa xoogga saari doonta arrimaha isku-xidhka ganacsiga ee dalalka Finland iyo Jabuuti.

Tan iyo markii MP Suldaan Said Ahmed loo magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Finland u qaabilsan arrimaha nabadda iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika ayaa waxaa dardar-galay xiriirka ka dhexeeya Finland iyo dalalka dhaca Geeska Afrika.

SSMV