Finland waxaa laga helay maanta 56 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo 8 xaaladood oo dhimasho hor leh ah

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Isniin 31.05.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 56 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 92 488 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 2 239 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 18 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 44 qof,  gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 6 qof, iyo gobolka Pohjois-Pohjanmaa oo laga helay 2qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 25
Vantaa 11
Espoo 6
Turku 4
Järvenpää 3
Raisio 2

 

Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 107 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  20 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 956 qof, kaddib markii ay hay’adda THL shegtay dhimashada 8 qof oo hor leh ay u dhinteen feyruska korona. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 27 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 7 624 oo qof, kuwaasoo 6 259 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 1 296 waa nooca Koonfur-Afrika, Nooca Hindiga oo ah 67,  iyo 2 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 31.05).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 2 456 153 oo qof (31.05).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

Adduunkoo dhan Qaaradda Yurub
Tirada feyruska laga helay 171 233 889 52,7
Tirada u dhimatay feyruska 3 560 984 1,1

 

Qaaradda Afrika Qaaradda Aasiya
Tirada feyruska laga helay 4 875 941 51 073 488
Tirada u dhimatay feyruska  130 741 682 369

 

Qaaradda W/Amerika Qaaradda K/Amerika
Tirada feyruska laga helay 39 718 530 28 710 120
Tirada u dhimatay feyruska  893 404 778 038

 

Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka ay xaaladda ugu badan ee faafista feyrusku  ka jirtay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
Hindiya 28,046,957   153,485   43 129  329 127
Baraaziil 16,515,113     43 520      950  462 092
Arjantiin 3,753,609     21 346      348    77 456
Kolombiya 3,383,279     20 218      535    88 282

 

Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka waqooyiga Yurub, dalka Sucuudiga oo arrimaha xajka iyo cumrada loo aado iyo dalkeenna Soomaaliya

 

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
28 Sweden 1,068,473          14 413
63 Denmark 280,383    949     1      2 516
88 Norwey 124,824    169           783
159 Iceland  6 576                30
42 Saudi-Arabia  449,191    907     13     7 347
133 Soomaaliya  14 660    7     1       769

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS