Qormada Tifaftiraha: Sidee ayay u tebisay warbaahintu magacaabista ergeyga gaarka ah ee arrimaha nabadeynta u qaabilsan Finland Geeska Afrika, Diblumaasi Suldaan Said Ahmed?

Kuva/Vitali Gusatinsky

Waxaa marag-ma-doonta ah in bulshada Geeska Afrika ay u jeelqabto nabad iyo xasilooni ku soo dabbaalanta deegaankooda. Waxaa kale oo aanay laba-cali-isweydiinayn in xaaladda Geeska Afrika ay siyaabo kala duwan u cakirantahay ayna ku xeeran yihiin duruufo wejiyo badan iyo mashaakiileedyo maxalli ah iyo kuwa meelo kale laga soo waariday.

Diblumaasi, xildhibaan Suldaan Said Ahmed oo loo magacaabay ergayga gaarka ah ee Finland u qaabilsan arrimaha nabadda iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika

Diblumaasi, xildhibaan Suldaan Said Ahmed oo loo magacaabay ergayga gaarka ah ee Finland u qaabilsan arrimaha nabadda iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika

 

Marka aan intaas uga gudbo maan-xadantaynta akhristayaasha u dhuun-daloola ammuuraha Geeska Afrika, aan u soo laabto ujeedka qormadan cinwaankeedu ka hadlayo waxa keenay in magacaabista Diblumaasi Suldaan Said Ahmed loo magcaabay ergeyga gaarka ah arrimaha nabadaynta Geeska Afrika u qaabilsan wasaaradda arrimaha dibadda Finland aad looga soo dhoweeyo Geeska Afrika warbaahintuna ay si mug iyo miisaan leh u qaadaa-dhigto.

Tiro kor u dhaafaysa labaatan (20) warbaahineed oo ka tirsan warbaahinta ku shaqaysa afafka Soomaaliga, ingiriiska iyo Carabiga ee Bariga Afrika iyo weriyayaal caan ka ah baraha bulshada ayna ku xiran yihiin malaayiin dad ah ayaa baahisay magacaabista Diblumaasi Suldaan Said Ahmed.

Maxay tahay sababta keentay in warbaahintu ay heer intaas dhan u tebiso magacaabista Suldaan? Si aan su’aashaas uga jawaabo ayaan waxaan isha soo mariyay waxyaabaha ay warbaahintu ka qortay magacaabista ergeyga gaarka ah waxaana ii soo baxday dhowr arrimood oo ay ku cad yihiin sababta magacaabista Suldaan looga xiisaynayo guud ahaan Bariga Afrika gaar ahaan Geeska Afrika.

Finland appoints Suldaan Said Ahmed as peace envoy for Horn of Africa

  • Warbaahinta ayaa marka hore si isku mid ah u qirtay, in kalkii hore ee uu Suldaan Said ahaa ergeyga gaarka ah ee arrimaha nabadeynta Geeska Afrika u qaabilsan Wasaaradda arrimaha dibadda Finland uu kasbaday kalsoonida bulshada Geeska Afrika, siyaasiyiinta iyo madaxda dalalka Geeska Afrika.
  • Waxaa kale oo ay warbaahintu qabtaa in diblumaasi Suldaan Said Ahmed oo asal ahaan ka soo jeeda Geeska Afrika uu ku habboon yahay nabadeynta Gobolka, maadaama uu aqoon u leeyahay dhaqanka bulsho iyo kan siyaasadeed ee Geeska Afrika
  • Warbaahinta ayaa sidoo kale farta ku fiiqday in Suldaan ku qalabaysanyahay aqoonta gobolka uu asal ahaan ka soo jeedo iyo dhexdhexaadnimada iyo nabad jacaylka Finland ay caanka ku tahay.
  • Waxaa intaas dheer oo ay Warbaahintu qoraysaa in maadaama ay bulshada Geeska Afrika u badan yihiin dhallinyaro uu Diblumaasi Suldaan si gaarka ah u dareemi karo baahiyaha ay dhallinyarada gobolku qabto, kol haddii uu isaguba yahay qof dhallinyaro ah.
  • Xilligan la joogo oo ay gobolka ku jirto hubanti la’aan amni iyo mid siyaasadeed ayeey sidoo kale warbaahintu saadaalisay in waayo-aragnimada iyo aqoonta dhexdhexaadinta ee Suldaan iyo kalsoonida uu gobolka ka kasbaday ay abuuri karto jawi ugu yaraan abuura rabitaan iyo u heelanaan wadahadal u hiilinaya nabadda.

 

Finland appoints Suldaan Ahmed as its new Envoy to Horn of Africa region

https://eastleighvoice.co.ke/national/12754/suldaan-said-ahmed-appointed-finlands-new-horn-of-africa-peace-envoy

https://www.horndiplomat.com/2024/01/27/suldaan-said-ahmed-appointed-as-finlands-special-envoy-on-peace-mediation-in-the-horn-of-africa/?fbclid=IwAR1DB0g2mlBJWukHIDEmXdwB-l-pLPKB9WcKuncHjhXy75q6B8TBipfHB8M

Afrikan sarven alueella aseellisten ääriryhmien asema vahvistumassa – Suomen rauhanneuvottelutaidoille ja puolueettomuudelle olisi tilausta

Waxaan dhowrnaaba waa dhaqdhaqaaqa diblumaasiyadeed iyo nabaddoonnimo ee uu Suldaan Said Ahmed ka billaabo Geeska Afrika iyo sida uu dhaxal loo aayo ugu reebo dhallinyarada Geeska Afrika ee la daalaa-dhacaysa dhibaatooyin ay ka mid yihiin abaaro, colaado, shaqo la’aan isbiirsaday