Agabkii ugu horreeyay oo afka Soomaaliga loogu baranayo hab dijitaal ah oo Jaamcadda Helsinki lagu soo bandhigay- Macallimad Nimco Noor oo qalbakaas diyaarisay- Warbixin iyo sawirro

Madal aad loo soo agaasimay oo ka dhacday Kuliyadda waxbarashada mcallimiinta ee jaamacadda Helsinki ayaa lagu soo bandhigay agab qaab dijitaal ah loogu baranayo qoraalka, akhrinta iyo barashada afka Soomaaliga, kaas oo noqonaya kii ugu horreeyay ee noociisa ah. 

 

 

Macallimad, Barbaariso qoraa Nimco Noor oo muddo sannado ah diyaarinaysay agabka dijitaalka ah ee lagu magacaabo ”ILAYS AF SOOMAALI”  ayaa madasha ku soo bandhigtay agabkan waxbarashada fududeynaya ee ku jira shabakadda internetka.

Madasha oo labo qaybood ahayd ayaa waxaa qaybta koowaad ka qaybgalay khubaro luqadaha, dhaqanka iyo barbaarinta ku takhasusay oo ka kala socday hay’adaha waxbarashada iyo maamulka hoggaannada waxbarashada iyo barbaarinta dalka Finland.

Qaybta labaad ayaa si gaar ah u quseysay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland ku nool waxaana ka soo qabgalay macallimiin jaamacadeed, qoraayaal, afyaqaanno, barbaariyayaal, saxafiyiinta ka kala socday Finland iyo dalalka Yurub qaar ka tirsan. Waxaa kale oo madasha gobjoog ahaa waalidiinta danaynayay wax ka ogaanshaha agabka ay carruurtu si dijitaal ah ugu baran karaan afkooda hooyo.

Goobta lagu soo bandhiyay agabkan ugubka ku ah nidaamka barashada af-Soomaaliya ayaa waxaa sugnaa madaxda sare oo ka socotay wasaarradda waxbarashada iyo barbaarinta ee dalka Finland.

Dhanka kale waxaa joogay afhayeenka gollaha deegaanka ee degmada Espoo ahna Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Finland Inka Hopsu, taas oo horay u ahayd macallimadda wax barta carruurta baahiyaha gaarkaa qaba.

Agabkan oo aad loo soo dhoweeyay loolana dhacay ayaa dabooli doona baahi ka jirtay barashada afka Soomaaliga ee carruurta ku dhaqan qurbaha.

Barbaariso, qoraa Nimco Noor oo ka hadlaysay madasha bandhigga agabka hab dijitaal ah loogu baranayo afka Soomaaliga ayaa sheegtay, in nidaamka waxbarashada ay ka faa’iidaysan karaan dhammaan carruurta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha meel kasta oo ay dunida oo ay dunida ka joogaanba.

”Waxaan u soo jeeday habeenno badan sidii aan aan mashruucan uga miradhalin lahaa, Alle Mahaddiis, maanta waxaan gaaray natiijada hawshii aan u hurdo-seegay.” Barbaariso, qoraa Nimco Noor.

Waxaa la naawilayaa in agabka waxbarashada ee shabakadda internetka ku jira uu dabooli doono baahi weyn oo loo qabay barashada Afka Soomaaliga, maadaama uu agabka dhexyaal internetka oo haatan qayb weyn ka noqday nololmaalmeedka dadka dunida ku nool.

Macallimad Nimco Noor oo noqotay qofkii ugu horreeyay ee diyaariya agab waxbarasho oo fududeynaya barashada afka Soomaaliga ayaa madasha looga soo jeediyay mahacelin ballaaran. Waxaa kale oo mudan in la xuso, in meel kasta oo aad dunida ka joogto iyo wakhti kasta oo aad joogtaba, aad agabka waxbarashada ah isticmaali karto.

SSMV