Wararka caalamka ee maanta iyo feyruska korona

Finland waxaa laga helay 49 qof oo cusub oo qaba feyruska korona.

 Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Arbaca 16.9.2020 laga helay feyruska korona 49 qof oo cusub oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa gaareysa 8 799 qof.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in feyruska awgiis ay haatan daryeelka isbitaalka ugu jiraan14 qof, waxaana tiradii hore ugu jirtay isbitaalka ku soo kordhay 4 qof. Qaybta xaaladaha aadka u daran waxaa ku jira 3 qof. Tirada guud ee u dhimatay feyruska korona illaa iyo haatan waa 339 qof.

Halkan waxaan ku xuseynaa faafista feyruska korona ee qaar ka mid ah dalalka caalamka

 Masar

 Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Masar, tirada dadka cusub ee laga helay feyruska waa 160 qof oo cusub, iyadoo tirada guud ee illaa iyo haatan laga helay feyruska waxaa ay kor u dhaaftay 500 101 kun oo qof.

Tirada dadka u dhintay feyruska korona awgiis waa 17 qof oo hor leh.

IIRAAN

 Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Iiraan, tirada dadka cusub ee laga helay feyruska waa 2815 qof oo cusub, iyadoo tirada guud ee illaa iyo haatan laga helay feyruska waxaa ay kor u dhaaftay 413 kun oo qof.

Tirada dadka u dhintay feyruska korona awgiis waa 176 qof oo hor leh, tirada guud ee dhimashadana waa 23 808 oo qof.

IMAARAADKA CARABTA

Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Imaaraadka, tirada dadka cusub ee laga helay feyruska waa 786 qof oo cusub, iyadoo tirada guud ee illaa iyo haatan laga helay feyruska waxaa ay kor u dhaaftay 82 568 oo qof.

TURKIGA

Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Turkiga, tirada dadka cusub ee laga helay feyruska waa 1771 qof oo cusub, iyadoo tirada guud ee illaa iyo haatan laga helay feyruska waxaa ay kor u dhaaftay 296 391 oo qof.

Tirada dadka u dhintay feyruska korona awgiis waa 63 qof oo hor leh, tirada guud ee dhimashadana waa 7249 oo qof, waxaana jirta dad tiradoodu gaareyso 1351 oo xaaladoodu ay aad u daran tahay.

Waxaa ka bogsaday feyruska dad gaaraya 262 602 qof.

Xigasho: Yle iyo Aljazeera