Booliska oo todoobaadka bilaabanaya ilaalin xoog leh ku sameyn doona baaskiillada

Sawirka: Mahad Sheikh Musse Duceysane/Suomen/ Somali Media/Keyd-sawirku warkan lama xiriiri

Sharciga cusub ee gaadiidka waddooyinka ee soo baxay xagaagii la soo dhaafay ayaa wuxuu baaskiillada khasab kaga dhigayaa in gadaasha dambe ee baaskiilka uu leeyahay nalka cas ee iftiimaya. Waxaana dhici karta ee baaskiilka aan nalkaas cas laheyn la ganaaxi doono.

Sharciga cusub ee waddooyinka ee dhaqan galay xilligii xagaaga ayaa waxaa qofka baaskiilka iska leh uu farayaa, in baaskiilku uu hore ku leeyahay nalka cad ama kan huruudda iftiimeysa ah, gadaalna uu ku leeyahay nalka cas ee la arkaayo. Sidaana waxaa sheegay sarkaal sare oo ka tirsan booliska oo la yiraahdo Heikki Kallio.

Toddobaadka bilaaban doonta ayaa boolisku waxaa ay ilaalin xoog leh ku sameyn doonaan sida ay baaskiilleydu arrinkaas uga soo baxaan. Ujeedada laga leeyahay arrinkaan ilaalinta ayaa ah in dadka la xusuusiyo in ay isticmaalaan waxyaabaha iftiinka dhalaalaya leh ee xilliga mugdiga si fiican loo arki karo ee loo yaqaan bidhaantada (heijastin). Waxaana baaskiilleyda la farayaa in ay baidhaantada geesaha kaga dhajiyaan baaskiilka.

Dalkan Finland ayaa waxaa la galay xilligii jiilaalka oo mugdigu uu aad u fara badan yahay, iyadoo dadka lugaynaya iyo baaskiilleydaba la xusuusinayo in ay isticmaalaan bidhaantada ama iftiin soo celiyaha (heijastin), si ay ugu fududaato in darawallada gawaarida wadaa ay arkaan dadka lugaynaya iyo baaskiileydaba.

Haddiii nalalkaas laga waayo waxaa qofka baaskiilka wataa la ganaaxi doonaa 40 yuuro oo ah ganaaxa khaladka gaadiidka.

Sannad walba waxaa dalkaan Finland ka dhaca qiyaastii 800 oo shil oo dhanka baaskiillada ah, iyadoo boolisku ay sheegeen in qayb kaliya oo ka mid ah shilalkaas ay soo gaaraan booliska.

Waxaa kaloo boolisku ay baaskiilleyda xusuusinayaan in ay qaataan koofiyadda adag ee baaskiilka lagu kaxeeyo, inkastoo aan iyada isticmaal la’aanteeda la isku ganaaxaynin.

Xigasho: HS