Wiil Soomaali ah oo ka tirsan Booliska Helsinki oo SSMV u warramay

Abdi Egal oo la hadlayay SSMV (Shabakadda Codka Soomaalida Finland) ayaa sheegay, in boolisku yahay hay’ad ay Finnishku kalsooni ku qabaan, si kalsoonidaas ay sii fiicnaatana ay haatan doonayaan in cid kasta oo shuruudaha ka mid noqoshada booliska ka soo bixi karta ay ciidanka ku soo biirto.

Abdi wuxuu dhanka kale sheegay, in uu doonayo in uu tusaale u noqdo da’yarta Soomaaliyeed ee ku haminaysa ka mid-noqoshada ciidanka booliska Finland.

Hawlaha uu sida gaarka ah Abdi uga shaqeeyo ayaa waxaa kamid ah kahortagga dembiyada iyo ka wacyigelinta dhallinyarada falalka saamaynta xun ku yeelan kara mustaqbalkooda.

Si aad wareysiga uga bogato fadlan linkiga hoose dhag-sii!