Gaadiidka Metrooga oo muddo labo bilood ah aan ka shaqayn doonin qaybo ka tirsan Bariga Helsinki

Metro-Itäkeskus/Mahad Sheikh Musse

War rasmi ah oo ka soo baxay maamulka magaalada Helsinki ayaa lagu sheegay in Metrooga isku xira Kontula iyo Melleunmäki uu shaqada joojinayo sannadka dambe.

Shaqo joojinta ayeey magaaladu sabab uga dhigtay dayactir lagu samaynayo buundooyinka Metrooga ee dhabbaha Länsimäki (Länsimäentie).

Maamulka magaalada Helsinki ayaa shir ay yeesheeen 30.10.2023 ku go’aamiyay qorshaha mashruuca dayactirka buuxa ee buundooyinka jidka Länsimäki. Kharashka gelaya mashruucan ayeey magaaladu ku sheegtay adduun dhan 5,5 malyan oo yuuro (5,5 €).

 ”Si loo xaqiijiyo ammaanka iyo habsami-socodka gaadiidka Metrooga, waa in dayactir buuxa lagu sameeyo buundooyinkan uu Metroogi maro” ayaa sidoo kale lagu yiri warka ka soo baxay maamulka magaalada Helsinki.

Booska uu Metroogu banneeyay waxaa rakaabka dhulkaas ku safraya u buuxinaya basas isku xiraya labada boosteejo ee Kontula iyo Melleunmäki.

Isha warka: Magaalada Helsinki