Wararka feyruska korona ee Finland iyo caalamka intiisa kale

Finland waxaa laga helay 197 qof oo cusub oo qaba feyruska korona

 Khamiis 12.11.2012. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 197 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 18 542 qof.

Labadii toddobaad ee ugu dambaysay waxaa feyruska laga helay 2 967, tasoo 354 xaaladood ka badan tiradii laga helay labadii toddobaad ee ka sii horreeyay.

Waxaa feyruska laga helay qiyaastii 42 magaalo. Magaalooyinka ugu badan ee laga helay feyruskana waa sidatan soo socota: Helsinki: 63, Espoo: 32 qof, Vantaa: 19 qof, Turku:13 qof, Oulu:11 qof, Järvenpää 4 qof, Tampere 4 qof, Lahti, Porvoo, Raiso 3 qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ku jira 76 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 16 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran. Sida ay shalay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga tirada dhimashada maraysaa 365 qof, waxaana ku kordhay 2 qof sida ay hay’addu sheegtay shalay.

Xaaladda ka hortagga faafista feyruska Finland oo u hirgashay si ka wanaagsan sida dalalka kale ee yurub

 Sida uu sheegay dhakhtarka sare ee ka tirsan hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga Taneli Puumalainen, dalkan Finland si ka wanaagsan sida dalalka kale ee yurub ayaa ay uga hirgaleen howlaha ka hortagga faafista feyruska. Puumalainen wuxuu yiri: difaaceennu si wanaagsan ayuu u shaqeynayaa.

Faafista korona ee maagaalooyinka waawayn si aad ah ayay u korortay. Gaar ahaan magaalooyinka Helsinki, Espoo, Vaanta, Tampere iyo Turku xaaladda faafistu si aad ah ayay u sii korortay.

Dhinaca kale gobollo badan ayaa si wanaagsan u hantay waxkaqabashada faafista feyruska, taasoo keentay in xaaladda safmarka ee korona ayka  soo degto ama xasisho sidii hore. Tusaale ahaan Vaasa ayaa ka mid ah goobaha faafista feyruska si aad ah loo hantay waxkaqabashadeeda.

Sida ay waaxaha caafimaadku warbixinta ku soo gudbiyeen, waxaa heerka karaar qaadashada ku jira Helsinki iyo gobolka Uusimaa, Kanta-Häme, Länsi-Pohja, Pirkanmaa, Vaasa, Varsinäis-Suomi iyo degmada Ahvenanmaa.

14-ka kale ee waaxood waxaa ay ku jiraan heerka asaasiga ah, inkasta oo qaar ka mid ah waaxaha ku jiray heerka asaasiga ah, ay si gaar ah qaarkood u galeen heerka karaarqaadashada. Waxaa magaalooyinkaas ka mid ah Kouvola, Kuopio, Sillinjärvi iyo Rovaniemi.

Korona wuxuu ku faafaa guriga dhexdiisa

Waxaa sii heer qaran oo dalka oo dhan ah loo xaqiijiyay in la ogaaday 55% halka ay faafista fayrusku ka socoto. Waana tiro ka yar tii la ogaaday toddobaadkii la soo dhaafay. Waaxda caafimaadka ee Helisinki iyo hareeraheeda waxaa hore loo ogaa oo kaliya 40% halka ay faafistu ka timaado.

Inta ugu badan faafistu waxaa ay ka dhacdaa dalka gudihiisa iyo guriga. In ka badan kala bar tiradaasna waxaa ay ahayd faafis ka dhacday qoyska dhexdiisa.

Sida ay sheegtay madaxa istaraatiijiyada wasaaradda caafimaadka iyo arrimaha bulshada Liisa-Maria Voipio-Pulkki, inta ugu badan faafista feyrusku waxaa ay ka timaaddaa saaxiibbada dhexdooda iyo xafladaha khaaska ah.

Waxaa kaloo Liisa-Maria ay sheegtay in xaaladda faafista feyrusku ay tahay mid welwel leh, ayna dhici karto in xaalku uu si degdeg ah uga sii xumaado sida auu hadda yahay.

Iskuullada iyo xannaanooyinka muddooyinkan dhow kama aanay dhicin wax faafista feyruska ah oo ka dhashay u nuglaanta kooxeed ee feyruska. Faafista feyruska korona ee dhanka maqaaxiyaha ayaa ahayd 4%, taasoo hay’adda THL iyo Wasaaradda caafimaadku ay  sheegeen in ay tahay astaan muujineysa in xadidaadihii lagu soo rogay maqaaxiyaha ay ahaayeen kuwo si wanaagsan u shaqeeyay.

Faafista feyruska ayaa 8% waxaa ay noqotay mid ka timid dalka dabaddiisa. Tiradaasi wax yar bay kor u kacday, laakiin xilliyadii dhowaa ay aad u soo korortay.

Dadka u baahan daryeelka isbitaalka oo kordhay

Bukaanka u baahan qaybta xaaladda aadka u daran ee isbitaalka wali waa ay yar yihiin, laakiin tirada bukaanka u baahan daryeelka isbitaalka ayaa toddobaadyadii dhowaa kor u sii kacaysay. Shalay waxaa isbitaalka ku jirey 73 qof, qaybta daryeelka aadka u daranna waxaa ku jirey 14 qof.

Inta ugu badan ee faafista feyruska waxaa haatan laga helaa dadka dhallinyarada ah, laakiin sidoo kale tirada dadka waaweyn ee laga helay feyruska korona waa ay soo korortay. Waxaa hay’adda THL ay xusuusineysaa dadweynaha in ay muhiim tahay in laga fekero sidii dadka u nugul hallista cudurrada loo ilaalin lahaa.

Saddex nooc oo tallaal ah oo liiiska soo iibsashada ku jira

Dhakhtarka sare Hanna Nohynek oo ka socda hay’adda THL ayaa iyaduna ka hadashay xaaladda tallaalka looga hortagaayo feyruska korona.

Toddobaadkaan ayaa hadal heynta tallaalka ay noqotay mid meel walba lagu hayo, kaddib markii shirkadaha Pfizeriyo Biontech ay sheegeen in tallaalkii ay samaynayeen 90% lagu guuleystay, uuna gaaray heerkii saddexaad. Sidoo kale waxaa jira tallaalo kale oo iyaguna maraaya heerarkii ugu dambeeyay ee tijaabada.

Qaybta hore ee tallaalka waxaa la sugayaa in cadad yar uu yimaado, kuwaasoo ku filan 10% dadweynaha. Waxaana haatan laga wadahadalayaa dadka lagu hormarin doono siinta tallaalka marka uu tallaalku yimaado.

Hanna Nohynek waxaa ay sheegtay, in helitaanka tallaalku ay ku xiran tahay tusaale ahaan, hadba sida ay shirkadda diyaarinaysa suuqa u soo geliso iyo cidda la siiyo ogoolaanshaha iibinta tallaalka.

Tallaalku waa lacag la’aan

Sida iska cad tallaalka feyruska korona waxaa uu noqon doonaa mid lacag la’aan ah, sida caadiga ah ee mabaadii’da barnaamijka qaran ee tallaalka uu u yahay mid lacag la’aan ah, tallaalkaanna waa mid la mid ah tallaaladaas kale.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

12 978 698 52 127 695
 

Tirada u dhimatay feyruska

307 568 1 283 719

 

Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 10.7 milyan  142 906   1 479 247 398
2 Hindiya 8,68  milyan     48 285      550 128 165
3 Baraaziil 5,70   milyan     47 724     564 163 406
4 Faransiiska 1,86   milyan     35 879      328    42 535
5 Ruushka 1,83  milyan     19 851      432    31 593
6 Spain 1,46   milyan     19 096      349    40 105
7 Arjantiin 1,27  milyan     10 880      348    34 531
8 Ingiriiska 1,25  milyan     22 950      595    50 365
9 Kolombiya 1,16  milyan       8 651      164    33 312
10 Talyaaniga 1,02  milyan      32 961      623     42 953
Xigasho:YLE, HS, Worldmeter