Wararka caalmka ee maanta iyo feyruska korona

Finland waxaa laga helay 93 qof oo cusub oo qaba feyruska korona, iyo laba xaaladood oo dhimasho ah

 Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Arbaca 23.9.2020 laga helay feyruska korona 93 qof oo cusub oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa gaareysa 9 288 qof.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay shalay in laba qof oo cusub ay u dhinteen xaalad la xiriirta feyruska korona. Tirada guud ee u dhimatay feyruska korona illaa iyo haatan waa 343 qof.

Labadii toddobaad ee la soo dhaafay waxaa la soo weriyay 430 xaaladood oo faafista feyruska oo ka badan tiradii labadii toddobaad ee ka sii horreysay.

Waxa daryeelka isbitaalka feyruska korona ugu jira 22 qof, afar qof oo ka mid ah waxay ku jiraan qaybta xaaladda aadka daran.

Wasaaradda caafimaadka iyo arrimaha bulshada waxaa ay faraysaa maamullada waaxo- goboleedyada in ay si dhakhso ah ugu diyaargaroobaan xaaladda xanuunka safmarka Korona ee ka sii dareysa

Wasaaradda caafimaadka iyo arrimaha bulshada waxaa ay bilowday u diyaargarowga xaaladaha feyruska korona ee sida dhakhsaha u sii kordhaaya.

Wasaaraddu waxaa ay sheegtay in ay si dhakhso ah u uruurinaayaan warbixin heer qarameed ah oo ku saabsan xaaladda feyruska safmarka ah ee korona ee waax walba oo caafimaad u gaarka ah iyo sidii ay waax walba ku qaban lahayd hawlaha uu arrinkaas uga baahan yahay, si loo sameeyo wax kasta oo suurtaggal ah oo looga hortagi karo faafista cudurka iyo kororkiisaba.

Halkan waxaan ku soo gudbinaynaa qaar ka mid ah dalalka xaaladda faafista feyruska korona ay ka sii dareyso

Faransiiska

 Dawladda faransiiska ayaa xoojinaysa sharciyada la xiriira feyruska korona ee magaalada Paariis, waxaana sidaa sheegay telefishnaka qaranka ee dalkaas iyo wakaaladda wararka ee Reuters.

Sida warbaahintu sheegtay sharciyada la adkaynaayo waxaa ka mid ah isugu imaatinka goobaha guud. Waxaana ay dowladdu qorshaynaysaa in la diido wixii ka badan isuimaatinka 10 qof. Sidoo kale waxaa la diidi doonaa in khamriga lagu iibiyo maqaaxiyaha bannaanka  wixii ka dambeeya sideeda fiidnimo.

Waxaa kaloo warbaahintu sheegeen in xadaynta la qorsheynaayo in Paariis lagu soo rogo, sidoo kale lagu dabaqi doono magaalooyinka Lyon, Marseile, Bordeaux iyo Nizza.

Isbeyn

Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalkaas, tirada dadka cusub ee laga helay feyruska waa 10 800 qof oo cusub, taasoo tirada guud ee illaa iyo waqtigan uu ku dhacay feyrsuka ka dhigeysa 682 267 qof. Waxaana afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay u dhintay feyruska 21 qof, waxaana tirada guud ee illaa iyo imminka u dhimatay feyrsuka ee dalkaas ay noqoneysaa 30 904 qof.

Xiagasho: YLE