Dhallinyarada magaalada oo isu hub uruursanaysa sida ay booliska ku soo wargeliyeen dukaamada magaalada qaarkood

Xuquuqda Sawirka: Mahad Sheikh Musse

Arbaca 05.05.2021. Bilowgii bisha April waxaa booliska magaalada Helsinki la soo xiriirey dukaamo kala duwan oo ku soo wargeliyay booliska, in ay dukaamada yimaadeen kooxo dhallinyaro ah, kuwaasoo kaasada dukaamada la yimid toorreeyo iyo faasas ay doonayeen in ay iibsadaan. Shaqaalaha dukaanka ayaa u diiday dhallinyarada in laga iibiyo alaabtaas.

Sharciga dalka uma diidaayo in qofka dhallinyarada ah uu toorreey ama mindi ka soo iibsado dukaanka, laakiin shaqaalaha dukaanku waa ay u diidi karaan in ay ka iibiyaan, haddii ay ka shakiyaan ujeedada isticmaalista toorreyda ama mindida.

Sida boolisku sheegay arrinkaan waa mid welwel leh, waayo boolisku waxaa ay sheegeen in dhallinyarada intooda badan ay wataan toorreeyo. Waxaana la tuhunsan yahay in dhallinyaradu ay iyagoo toorreeyo sita ay geysteen jirdil culus ama isku day dil, kuwaasoo wararka ku saabsan arrimahaas ay warbaahintu soo gudbinaysay maalmihii la soo dhaafay.

Toddobaadka haatan lagu jiro oo kaliya waxaa boolisku soo gudbiyay laba kiis: Boolisku waxaa ay sheegeen in ay nin 18 sano jir ah ku tuhunsan yihiin inuu toorreey dhabarka ka geliyay wiil 14 sano jir ah xaafadda Jätkäsaari ee magaalada Helsinki. Waxaana isla ninkaasi dambiga lagu tuhunsan yahay uu isku dayay, in uu toorreey la dhaco isla ilmo kale oo aan wali qaangaarin, laakiin ilmahaas wax dhaawac ah ma soo gaarin.

Waxaa intaas dheer in Talaadadii boolisku ay sheegeen koox dhallinyaro ah oo isku toorreeyeysay xaafadda Maalminkarto bishii Maarso ee la soo dhaafay, kaddib markii wiil dhallinyaro dhabarka laga geliyay toorreey.

Xilligaan lagu guda jiray feyruska korona, is tooreeyeynta dhallinyaradu waxaa si xoog leh uga dhacday xaafadaha kala ah: Piku Huopalahti, Mllypyro, Pasila, Kaivopuisto, Tikkurila, iyo xaruna tareennada.

Toddobaad kahor waxaa boolisku sheegeen in ay xireen wiil 16 sano jir ah, kaasoo lagu tuhunsan yahay dhacdadii ka dhacday xarunta tareennada Helsinki ee sababtay dhimashada nin 24 sano jir ah, kaddib markii toorreey lala dhacay.

Dhacdooyinka noocaas ah waa kuwo badan, laakiin sida boolisku sheegay waa ay kala duwan yihiin, mana jirto wax tilmaamaya in ay yihiin kuwo isku xiran. Waxaana maalmihii ugu dambeeyay aad loo soo tabinayay in dhacdooyinkaas intooda badan ay ahaayen kuwo la xiriira dhallinyarada asalkoodu ka soo jeedo dadka waddanka u soo guuray.

Arrimaha dagaalka keena ayaa waxaa ka mid ah weydiinta daynka mukhaadaraadka, dhac, difaaca sharafeed ee saaxiibka, sakhraamid ama in dhar qof kale sito xoog looga qaato. Kiisaska qaarkood waxaa horseeda cilqaaqtan dhallinyarada ku dhexmara dhanka barasha bulshada gaar ahaan Snapchat-ka.

Magaalada Helsinki ayaa Isniintii shaaca ka qaadday, in maamulka magaalada iyo boolisku ay isku afgarteen, in ay si xooggan isaga kaashadaan sidii looga hortagi lahaa is kooxeysiga burcadnimo ee dhallinyarada.

Sida uu sheegay Tommi Laitio oo ah madaxa arrimaha dhaqanka ee magaalada Helsinki, waxaa haatan jira astaamo welwel leh, kuwaasoo ay tahay in sida ugu dhakhsaha badan looga fal celiyo, islamarkaana wax looga qabto sidii dhallinyarada loo fahamsiin lahaa qaadashada mas’uuliyadda waxa ay samaynayaan, sidoo kale in laga caawiyo qaabkii ay uga bixi laahyeen wadada falal dambiyeedka.

Bishii la soo dhaafay ayaa la xiray illaa 15 dhallinyaro ah oo kuwooda ugu badan yihiin soomaali, kaddib markii qayb ka noqdeen dagaal kooxeed ka dhacay xaafadda Pikku -Huopalahti ee magaalada Helsinki, halkaasoo qof dhallinyaro ah lagu toorreeyay, mid kalena loo geystay jirdil aad u culus. Sidoo kale booliska ayaa sheegay in dhallinyaradaas ay ku qabteen torreeyo, baangado iyo hubka wax lagu toogto.

Arrimaha falal dambiyeedka dhallinyarada oo bilihii la soo dhaafay aad u soo badanaayay, ayaa waxaa la tuhunsan yahay in dhallinyarada asal ahaan ka soo jeeda soomaalida ay qayb weyn ka yihiin, taasoo haatan welwel aad u weyn ku haysa jaaliyadda soomaaliyeed ee deggan dalkaan Finland. Mana jiraan illaa iyo haatan wax tallaabooyin muuqda ah oo ay jaaliyadda soomaalida ee dalkaan deggan ka qaadeen ama uga diyaarsan ka hortagga arrimahaas.

 

Xigasho: HS