Diblumaasi, xildhibaan Suldaan Said Ahmed oo loo magacaabay ergayga gaarka ah ee Finland u qaabilsan arrimaha nabadda iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika

Helsinki- War rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Finland laguna daabacay bogga internetka ee dowladda Finland warbaahinta gudaha iyo kuwa dibaddana loo qaybiyay ayaa lagu baahiyay magacaabista Ergeyga gaarka ah ee dowladda Finland u qaabilsan arrimaha nabadda iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika, mudane Diblumaasi Xildhibaan hore Suldaan Said Ahmed.

Mudane Suldaan Said Ahmed oo horay u soo noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Finland iyo ergayga gaarka ah ee wasiirka arrimaha dibadda Finland Elina Valtonen u qaabilsan nabadda iyo dhexdhexaadinta Geesrka Afrika ayaa hadda si rasmi ah u noqonayaa Ergaya dowladda Finland u qaabilsan arrimaha nabadda iyo dhexdhexaadin Geeska Afrika.

Diblumaasi Suldaan Said Ahmed ayaa kolkii hore ee uu ahaa ergayga gaarka ah ee wasiirka arrimaha dibadda Finland u qaabilsan arrimaha nabadda Geeska Afrika sare u qaaday xiriirka togan ee u dhexeeya dalalka dhaca geeska Afrika iyo dalka Finland.

Suldaan oo asal ahaan ka soojeeda Geeska Afrika ayaa isagoo kaashanaya aqoontiisa duruqsan ee uu leeyahay dhaqanka iyo qaab-dhismeedka bulshooyinka Geeska Afrika horay u kasbaday kalsoonida hoggaanka siyaasadda, diinta, dhaqanka iyo dhallinyarada bulshada gobolka Geeska Afrika.

Waxaa aad loogu han-weynyahay in Suldaan Said Ahmed uu sare u sii qaado xiriirka iskaashi iyo wax wada-qabsi ee ka dhexeeya dalalka Geeska Afrika iyo dalka Finland.

Sidaas si lamid ah ayaa waxaa loo naawilayaa in aqoonta iyo waayo-aragnimada dalka Finland ee dhinaca nabadaynta iyo xallinta khilaafaadka uu diblumaasi Suldaan Said Ahmed ku dabaqo xallinta xasaradaha iyo khilaafaadka dhaqan-dhaqaale iyo bulsho ee Geeska Afrika ka jira.

Codka Soomaalida Finland (SSMV)