Qaybtii ugu horreysay qaxootiga Carruurta ee Giriigga jooga oo shalay iyo maanta la soo qaaday

Helsinki 8.7.2020- Guddiga Midowga Yurub ayaa shaaciyay in shalay iyo maanta dalka Giriigga laga soo qaaday 49 cunug oo qaxooti ah, kuwaas oo loo soo kala qaaday dalka Finland iyo Boortaqiiska. Wareejinta carruurtan aan waalidkood la socon laga soo wareejinayo xeryaha qaxootiga ee Giriigga ayaa waxaa ka wadashaqeynaya dowladda Giriigga iyo Guddiga Midowga Yurub. Qaramada Midoobay ayaa iyaduna qayb ka ah habsami-socodka qorshaha dib u dejinta da’yartan aan qaangaarin.

Waxaa dhanka kale la qorsheeyay in isla bishan Luulyo Giriigga laga soo qaado carruur kale oo aanu waalidkood la socon, kuwaas oo la kala geynayo dalalka Biljamka (18), Faransiiska (50), Jarmalka (106), Islofeeniya (4) iyo Lituweeniya (2). Tirada Jarmalka la geynayo ayaa waxaa ku jira qaar ka mid ah carruurta ay qaadanayaan iyo waalidkood iyo walaaladood.

Dhammaadkii bishii Juun ee sannadkan ayaan soo daabacnay war sheegaya in Finland ay todobaadka koowaad ee bisha Luulyo carruur qaxooti ah oo aan qaangaarin ka soo qaadanayso dalka Giriigga.

Sawirka: YLE

Isha warka: European Commission