Dawladda oo soo saartay go’aan lagu dabcinaayo xayiraadihii saarnaa safarka dibadda lagaga imaanaayo

Dowladda ayaa dabcisay xadayntii hore loogu soo rogay dadka safarka dibadda uga imaanaay Finland. Wasiirka arrimaha gudaha Maria Ohisalo, wasiirka shaqada Mika Lintilä iyo wasiirka gaadiidka iyo isgaarsiinta Timo Haraka, ayaa sheegay galabnimadii khamiista in wadahalladaii ay golaha wasiirradu yeesheen kaddib, la oggolaaday in Finland safar looga imaan karo iyadoo aan wax karantiil ah la gelin, dalalka ay tirada faafista feyruska korona ka hooseyso boqolkii kun ee qof ee kastaaba 25 qof, afar iyo tobankii maalmood ee ugu dambeysay maalinka safarka kahor. Isbeddelkaas wuxuu dhaqangeli doonaa Sabtida soo socta 19.9.

Iyadoo lagu saleynaayo tiradan cusub ee faafista cudurka ee dowladdu dejisay, waxaa Finland safar lagaga imaan karaa 15 dal, iyadoo aan wax karantiil ah qofka la gelinaynin. Waddamadaas waxaa ay kala yihiin Sweden, Norwey, Iceland, Istooniya, Lithuweeniya, Latviya, Jarmalka, Qubrus, Serbiya, Monaco, Poland, Bulgaariya, Islovaakiya, Liechtenstein iyo Vaatikaanka.

Go’aankaan cusub waxaa macnihiisu noqonayaa, in dadka Finnishka ah ay u safri karaan dalalkaas kor ku xusan, ayna ka soo laaban karaan iyagoo aan wax karantiil ah la gelinaynin. U safridda dalalkaas waxaa ay ku xiran tahay, hadba nooca xadaynta ah ee dalalkaas ay ka dejisteen dadka uga imaanaya dhanka Finland.

Waxaa intaas dheer in wasaaradda gaadiidka iyo isgaarsiintu ay waddo qorshe lagu sameynaayo sharci wax ka beddelid, kaasoo dhigaaya in dadka safarka ku imaanaaya Finland lagu xiro shardiga ah in ay waraaq caddaynaysa in aanay qabin feyruska korona (negattiv ah) ay ka soo qaataan dalka ay ka soo baxayaan. Sida uu sheegay wasiirka gaadiidka iyo isgaarsiinta Timo Haraka, soo bandhigidda sharcigaas ayaa hawshiisu hadda socotaa, waxaana haddii uu hirgalo sharcigaas waraaqda negetiivka ah laga rabi doonaa, dadka ka imaanaya dalalka ay tirada faafista feyruska korona ee boqolkii kun ee qofba ka badan tahay cadadkii la xadiday ee 25-ka.

Golaha wasiirada ayaa maalmahaanba shir adag oo dabcinta xayiraaddaan ah ku lahaa aqalka shirarka ee magaalada Helsinki. Shardigii hore ee ay dawladdu dejisay wuxuu ahaa in tirada faafista cudurku ee boqolkii kun ee qofba aanay ka badan 8-10 qof. Waxaa  wali jira dalal ka tirsan Midowga Yurub oo faafista cudurku ay aad u badan tahay, kana sarreyso xadkaas cusub ee 25ka qof ah ee ay dowladdu gaartay. Dalkan Finland tirada faafistu waxaa ay maraysaa 8,1 boqolkii kun ee qofba.

Sida uu dhigaayo dastuurka Finland qofka u dhashay Finland iyo kan haysta dhalashada dalkanba waxaa uu xaq u leeyahay in uu ka baxo Finland islamarkaana uu ku soo laabto xilligii uu doono.  Dadka ka soo laabanaya waddamada khatarta faafista feyrusku ka jirto waxaa loo soo jeediyay in ay galaan karantiil iskood ah oo muddo 14 maalmood ah. Waxaa intaas dheer in ay hawlawadeennada dowladdu awood u lahaayeen in ay qofka geliyaan karantiil Khasab ah, kaasoo fulintiisuna ay waajib noqoneyso.

Isha warka: HS