Wararka feyruska korona Finland iyo caalamka intiisa kale

Finland waxaa laga helay 131 qof oo cusub oo qaba feyruska korona.

Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Axad 18.10.2020 laga helay feyruska korona 131 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa gaareysa 13 424 qof.

Meelaha ugu badan ee cudurku aadka ugu faafayo waa magaalada Helsinki iyo gobolka Uusimaa oo laga helay 106 qof oo cusub (Helsinki 64, Espoo 22 iyo Vantaa 11) iyo Vaasa oo laga helay 6 qof oo cusub. Sidoo kale Varsinais-Suomi ayaa iyagana laga helay 8,  waxaana ugu badan (Turku 4, Uusikaupunki 1) oo laga helay qof oo feyruska qaba.

Gobolka Pirkanmaa oo laga helay 26 qof oo cusub oo feyrusku ku dhacay.

Gobolka Pirkanmaa ayaa laga helay 26 qof oo cusub oo feyrusku uu ku dhacay, waxaana sidaas sheegay isbitaalka jaamacadda ee Tampere Tays. Tiradaas waa tii ugu badnayd ee illaa iyo haatan laga helo gobolkaas hal mar. Sida isbitaalku sheegay kala bar tiradaas waxaa ay ku lug leeyihiin u nuglaantii feyruska ee hore loo sheegay ee ka dhacday kooxda kubadda cagta ee Tampere United.

Tirada guud ee illaa iyo haatan laga helay gobolka Pirkanmaa waa 596 qof.

Guriga lagu xannaaneeyo dadka waayeelka ah oo Vaasa ku yaalla oo ku dhowaad dhammaan dadkii ku jiray laga helay feyruska

Guriga xannaanada dadka waayeelka ah ee Karkulla ee ku yaalla xaafadda Sundom, ayaa ku dhowaad dhammaan dadkii degganaa gurigaas waxaa laga helay feyruska korona, sidaasna waxaa sheegay wargeyska Ilkka -Pohjolainen. Guriga xannaanada waxaa deggan 9 qof, waxaana feyruska laga helay 8 qof.

Shaqaalihii gurigaas lagu xannaaneeyo dadka waayeelka ah ayaa sidoo kale laga helay feuyruska. Shaqaaluhu waxaa ay tiradoodu ahayd 18, waxaana feyruska laga helay 9 qof oo iyaga ka mid ah.

Sida wargeysku sheegay waxaa qofkii ugu horreeyay laga helay feyruska maalintii talaadada ee la soo dhaafay, dhammaan dadka joogay guriga iyo shaqaalahaba waxaa la geliyay karantiil.

Wararka guud ee Caalamka iyo feyruska korona

 Masaajidka Xaramka ee Makka Al mukarama oo dib loo furey

Dowladda Sucuudiga ayaa ku dhawaaqday in dib loo furay masjidka Xaramka ee Makka Almukarama saaka subaxnimadii, kaddib muddo 7 bilood ah oo uu masjidku xirnaa sababo la xiriira feyruska koronaha awgiis.

Telefishinka dalka Sucuudiga ayaa saaka aroornimadii sheegay in Masjidka dib loo furaayo, islamarkaana ay howlihii cumrada iyo ku tukashada salaadaha sidoodii hore ku soo noqon doonaan.

Bilowgii Bishaan April ayay dowladda sucuudigu waxaa ay muwaadiniinta gudaha u furtay in ay gudan karaan cumrada iyo Ziyaarada masjidka Nabiga (NNKH) ee Madiina.

Sidoo kale Madaxa arrimaha guud ee masjidka Xaramka iyo Masjidka Nabiga Sheekh Cabdiraxmaan Alsudaysi ayaa sheegay shalay in Masjidka Nabiga NNKH la furaayo, si ay dadku ugu soo tukadaan, una soo siyaartaan.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Sucuudiga, Hay’adda Bisha Cas ee sucuudiga, ayaa ka bilaabi doonta masjidka barnaamijka lagu kala nidaaminayo dadka siyaarada iyo salaadda u imaanaya masjidka.

Xaaladda feyruska korona ee dalka Sucuudiga ayaa bilihii ugu dambeeyay hoos u soo dhacaysay, waxaana afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay laga helay dalkaas 348 qof oo cusub, iyadoo ay u dhinteen feyruska 20 qof. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska tan iyo intii uu bilowday ayaa ah 341 854 qof, waxaana u dhintay 5 165. Dalka Sucuudiga ayaa tirada dadkiisu waxaa ay tahay 34 972 648 qof.

 Feyruska korona oo gudaha u galay guriga boobka masiiyixiinta ee Vatikaanka Franciscuks

Sida uu sheegay wargeyska New York Times qof guriga la degganaa boobka Vatikaanka Franciscuks ayaa laga helay feyruska korona.  Wargaeysku waxaa uu warkaas ka soo xigtay maamulka Vatikaanka ah oo arrinka sheegay maalintii Sabtida.

Qofkaas laga helay feyruska korona oo ahaa qof aan wax astaan ah laheyn, waa laga saaray guriga boobka, waxaana la geliyay go’doomis kummeelgaar ah.

U nuglaanta feyruska ee la soo gudboonaatay Boobka Vatikaanka, ayaa sii kordhisay welwelka laga qabo xaaladdiisa caafimaad.

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee kaniisadda Katooliga CNA, waxaa dhakhtarka u dhashay dalka Swizerland ee ilaaliya caafimadka boobka uu sheegay, in illaa iyo haatan dad tiradoodu gaarayso 11 qof oo ka tirsan aqalka boobka laga helay feyruska.

Dalka Faransiiska

Dalka Faransiiska oo madaxweynihiisu uu Islaamka dagaal kula jiro, ayaad mooddaa in feyruska korona uu dalkiisa dagaal kula jiro. Waxaana maalin walba tan ka dambeysa kor u sii kacaysa tirada dadka laga helaayo feyruska korona.

Maalintii Sabtida waxaa laga helay 32 427 qof oo cusub oo uu ku dhacay feyruska krona, taasoo tiro 7000 ah ka badneyd tii laga helay jimcihii. Sidoo kale waxaa afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay u dhintay feyruska 89 qof.

Caasimadda dalka Check ee Praha waxaa ka dhacay iskahorimaad u dheexya booliska iyo dad bannaanbaxaayay

Dad bannaanbax ay kaga soo horjeedaan xadeynta feyruska korona ka dhigaayay caasimada dalka Check ee Praha ayaa arrinkoodu isu beddelay mid gacanka hadal ah. Waxaana ay booliska ku tuureen dhagaxaan, dhalooyinka khamriga iyo qalab kaleba.

Booliska ayaa iyaguna dhankooda ka isticmaalay sunta dadka kaga ilmaysiiisa iyo qasabadaha biyaha xoogga ah sii daaya, si ay u kala diraan bannaanbaxayaasha. Sida boolisku sheegayna waxaa halkaa ku dhawaacmay 20 qof.

Illaa dad tiradoodu gaarayso 2000 oo qof ayaa isugu soo baxay magaalada Praha, iyagoo cabasho ka muujinaayay xayiraadaha aadka u adag ee xukuumaddu ay ku soo rogtay magaalada si loo joojiyo faafista feyruska. Dalka oo dhan waxaa la xiray maqaaxiyaha iyo baararka waaweyn, waxaana la baajiyay dhammaanba tartamadii noocyada kala duwan ee ciyaaraha.

Sidoo kale waxaa goobaha guud ee la isugu yimaado laga mamnuucay wixii ka badab 6 qof, laakiin bannaanbaxyada shardiga ku xiran ayaa ah in  dadka bannanbaxaya ay qaataan afshareer, ayna 20-kii qof ee kastaaba ay si gooni ah u socdaan.

Boolisku waxaa ay sheegeen in bannaanbaxayaashu aanay afshareerka wadan, qabanqaabiyayaashii bannaanbaxa ayaa joojiyay dadkii imaanayay bannaanbaxa, kaddib markii ay dareemeen in tiradu ay 500 kor u dhaafayso, waxaana markaa dadkii bannaanbaxayaasha qaarkood ahaa ay bilaabeen in ay arrinkii u beddelaan gacan ka hadal.

Howlwadeennada magaalada New York  ayaa joojiyay aroos magaaladaas ka dhici lahaa, oo la ogaaday in dad 10 000 oo qof ka badan ay isugu imaan lahaayeen

Sida laga soo xigtay gudoomiyaha magaalada New York Andrew Cuomo, waxaa maamulka magaaladiisu uu joojiyay aroos la sheegay in la qorsheeynaayay in lagu qabto xaafadda Williamsburg ee magaalada New York, oo ay imaan lahaayeen dad tiradooda lagu qiyaasay 10 000 oo qof.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegtay in arooska qolada qabanqaabinaysay ay ahaayeen Yuhuudda aaminsan madhabta ortodokis-ka.

Magaalada New York ayaa waxaa ka jira xadaynta isu imaatinka looga hortaagayo faafista feyruska korona, taasoo aanay wax ka badan 50 qof aan la oggolayn. Sidoo kale xafladaha ama isu imaatinka diiniga ah ee xarumaha cibaadada ayaa la mamnuucay wixii ka badan 10 qof.

Dalka Maraykanka

Waxaa afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay laga helay feyruska 54 232 qof, waxaana u dhintay 638 qof. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska ayaa haatan maraysa dalkaas Maraykanka 8.34 milyan, tirada guud ee dhimashadana waa 224 282 qof.

Dalka Hindiya

Waxaa afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay laga helay feyruska 62 092 qof, waxaana u dhintay 638 qof. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska ayaa haatan maraysa dalkaas Hidiya 7.4 milyan, tirada guud ee dhimashadana waa 114 064 qof.

Dalka Baraaziil

Waxaa afar iyo labaatankii saac ee la so dhaafay laga helay feyruska 22 792 qof, waxaana u dhintay 461 qof. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska ayaa haatan maraysa dalkaas Baraaziil  5,2  milyan, tirada guud ee dhimashadana waa 153 690 qof.

Dalka Ruushka

Waxaa afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay laga helay feyruska 14 922 qof, waxaana u dhintay 279 qof. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska ayaa haatan maraysa dalkaas Ruushka  1,4 milyan, tirada guud ee dhimashadana waa 24 002 qof.

Xigasho: YLE,HS,MTV3, AlJAZEERA