Cilmi-baaris: Tallaalka hargabka ma la isaga difaaci karaa Koronaha?

Helsinki 31.10.2020- Waxaa la soo saaray warbixin ka hadlaysa cilmi-baaris ay sameeyeen khuburo u dhalatay dalka Holland, warbixintan oo ka hadlaysa suurtagalnimada in tallaalka caadiga ah ee hargabka looga gaashaaman karo Korona.

Cilmi-baaristan reer Holland ayaa waxaa lagu sheegay in ay u soo baxday natiijo muujinaysa in tallaalka hargabka oo la qaato xilliga uu hargabku dillaaco, uu waxoogaa ka difaacayo dadka tallaalka qaata cudurka COVID-19 ee uu sababo fayruska Korona.

Cilmi-baaristan ayaa waxaa lagu ogaaday in shaqaalaha isbitaallada ee jiilaalki hore qaatay tallaalka hargabku ay qaadistooda caabuqa fayruska korona ka yarayd shaqaalaha kale ee aan qaadan tallaalka.

Qaabka ay natiijadu sheegtay ee uu tallaalka hargabku qofka uga difaaci karo koronaha, waa in tallaalka hargabku uu kicinaayo dareenka unugyada jirka si ay xoog isaga difaacaan fayruska Koronaha cusub ah ee lagu magcaabo SARS-CoV-2.

Dhinaca kale, dhakhtarka sare ee cudurrada caabuqa ah ee HUS Asko Järvinen oo ay jariidadda HS wax ka weydiisay natiijadan ayaa sheegay in isagu aanu si gaar ah cilmi-baaristan uga arkin, balse uu horay u arkay labo cilmi-baaritaan oo tan ku nooc ah, kuwaas oo qaab xisaab ku saalaysan loo sameeyay. Dhakhtarku wuxuu sheegay in labadaas cilmi-baaritaan ay ka soo baxday natiijo tilmaamaysaa in laga yaabo in tallaalka hargabku waxyar dadka ka difaacayo Koronaha.

”Si kastaba ahaatee labo cudur ayaa ka daran hal cudur, sidaas darteed waxaan ku talinaynaa in la qaato tallaalka hargabka si looga gaashaanto in hargabka caadiga ah iyo cudurka fayruska korona ay isku mar ku dhacaan qofka” – sidaas waxaa ku taliyay dhakhtar Asko Järvinen.

Inkastoo horay loo shaaciyay in kahor dhammaadka sannadkan 2020 la soo saarayo tallaalo looga hortegayo Korona ayaa waxaa jirta in aan illaa iyo hadda la hayn tallaal rasmi ah oo la isku raacay in loo qaadan karo kahortagga iyo difaaca Koronaha cusub ee astaantiisu tahay SARS-CoV-2.

Xigasho: HS