Finland waxay todobaadka dambe dalka Giriiga ka soo qaadanaysaa 25 cunug oo qaxooti ah

Espoo 30.6.2020 Finland waxay todobaadka dambe dalka Giriiga ka soo qaadanaysaa 25 cunug oo qaxooti ah.

Carruurtan ayaa waxay qayb ka yihiin 175 magangelyo-doon ah oo ay Finland ballanqaadday billowgii sannadkan in ay qaabilayso.

Hay’adda Socdaalka Finland ayaa shaacisay in ay Dalka Giriigga ka soo qaadayso todobaadka dambe 25 cunug oo magangelyo-doon ah.

Boqol ka tirsan magangelyo-doonka ay Finland ka soo qaadanayso xeryaha qaxootiga Giriigga ee buux-dhaafay ayaa ah carruur aan qaangaarin oo aysan la socon cid mas’uul ka ah. Wararku waxay intaas ku darayaan in carruurta qaxootiga ah ee todobaadka dambe la keenayo ay u badan yihiin carruur u dhalatay dalka Afghanistan.

Carruurtaas todobaadka dambe imaanaysa ayaa waxaa magaalada Espoo lagu gelinayaa laba todobaad oo karaantiil ah, xilligaas ay karaantiilka ku jiraanna waxaa la go’aaminayaa meelaha la dejinayo. Wararku waxay intaas ku darayaan in carruurta kale ee 75 ah ee hartay dib laga soo sheegi doonaa wakhtiga la keenayo.

Midowga Yurub ayaa Finland ku siiyay adduun dhan 12 Malyan oo Yuuro qaabilaadda, baxnaanada iyo barbaarinta carruurtan qaxootiga ah.

Giriigga ayaa ah marinka ay waayadan dambe dad badan ka soo galaan Yurub waxaana xusid mudan in dhulka xeebaha Giriigga ku teedsan ay ku yaalaan xeryo qaxooti oo aad u buux-dhaafay. Xaaladaha xeryahaas ka jira ee ay dadku ku nool yihiin ayaa ah sida la soo sheegayo kuwa aan wanaagsaneyn.

Sawirka: STT

Isha Wararka: YLE