Finland waxaa laga helay maanta 318 xaaladood oo feyruska korona ido 2 xaaladood oo dhimasho ah

Jimco 15.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 31qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 39 911 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 66 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 138 qof, gobolka Pirkanmaa oo laga helay 41 qof, iyo Varsinais-Suomi oo laga helay 30 qof.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 66 qof, Vantaa: 40 qof, Tampere: 28  qof, Turku: 27 qof, Espoo: 20 qof, Oulu: 17 qof, Kuopio: 10 qof, Lahti: 10 qof, Hämeenlinna: 5 qof, waxaa min 4 qof laga kala helay magaalooyinka : Mikkeli, Kerava, Valkeakoski, Jyväskylä, Sidoo kale min 3 qof waxaa laga kala helay magaalooyinka kala ah: Kouvola, Pietarsaari, Hollola, Nurmijärvi, iyo Tornio. Min 2 qof waxaa laga kala helay magaalooyinka kala ah: Salo, Heinola, Hirvensalmi, Degmada Pedersören, Närpiö, Petäjävesi, Vyöri, Tyrnävä, Siilinjärvi, Virrat.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 145 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 28 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 618 qof, kaddib markii hay’adda THL ay maanta sheegtay in  maanta ay feyruska korona u dhinteen 2 qof oo hor leh.

Nooca cusub ee feyruska korona waxaa Finland laga helay 61 xaaladood, sidaana waxaa sheegay dhakhtarka sare ee ka tirsan hay’adda THL Taneli Puumalainan. Nooca ingiriiska ee loo yaqaan Variantti waxaa laga helay Finland 59 xaaladood, nooca cusub ee laga helay Koonfur-Afrika waa 2 xaaladood.

Feyruska Variantti ee Ingiriiska ee laga helay Finland, 39 ka mid ah waxaa uu ka yimid dalka Ingiriiska, 4 dalka Sweden, 3 xaaladood dalka Ghana. 10 xaaladood waxaa ay ka yimaadeen dalal kala duwan, 3 xaaladoodna lama yaqaan dalka ay ka yimaadeen.

Xaaladda cudurka safmarka ah ee heerka faafista: HUS, Päijät-Häme, Pohjois-Pohjanmaa, Kymenlaakso, Kanta-Häme, Varsinais-Suomi. Heerka karaar qaadashada Satakunta, Etelä-Savo, Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Etelä-Karjala iyo Pohjois-Karjala , Ahvenanmaa Kainuu iyo Vaasa ( marka laga reebo Korsnäs, Mustasaari, Pietarsaari iyo Maalahti, oo iyagu ku jira heerka faafista). Heerka hoose: Keski-Pohjanmaa, Itä-Savo, Pohjois-Savo iyo Lappi.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

 30 035 937    93 557 099
       646 157       2 002 982

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 23,8 milyan 230 457    4 069  397 994
2 Hindiya 10,5 milyan     15 667       189  151 954
3 Baraaziil 8,32 milyan     68 656    1 151  207 160
4 Ruushka 3,49 milyan     24 763       570    63 940
5 Ingiriiska 3,26 milyan     48 682     1 248    86 015
6 Faransiiska 2,85 milyan     21 228        282    69 313
7 Turkiga 2,36 milyan       8 962        170    23 495
8 Talyaaniga 2,33 milyan     17 246        522    80 848
9 Isbeyn 2,21 milyan     35 878        201    53 079
10 Jarmalka 2 milyan     22 957     1 088    45 492
11 Kolombiya 1,84 milyan     17 121        367    47 491
12 Arjantiin 1,77 milyan     13 286        142    45 125
13 Meksiko 1,57 milyan     15 873      1 235  136 917
14 Poland 1,41 milyan       9 436        381    32 456
15 Iiraan 1,31 milyan       6 471          81    56 538
16 K/Afrika 1,29 milyan     18 503        712    35 852
17 Ukriane 1,13 milyan       7 925        162    20 376
18 Peru 1,04 milyan       5 022         91    38 564

 Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS